Daawo: Koox Shiine Ah Oo Masrixii Ay Ka Heesayeen La Dumay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Koox Shiine Ah Oo Masrixii Ay Ka Heesayeen La Dumay.
May 11, 2015 - Written by Wariye:

Beijing, (Wajaalenews):- Telefishanka Rasmiga ah ee dawlada Shiinaha ayaa baahiyay muuqaalka, koox Shiine ah oo uu la dumay Masraxii ay ka heesayeen, waxaanu telefishanku sheegay in tiro ka mid ah kooxdaasi ay ku dhaawacmeen shilkaas.

Ilaa sideetan qof ayaa sida la sheegay Masraxa dushiisa saarnaa kuwaas oo isugu jiray kooxdii heesaysay iyo taageerayaal, waxaana loo malaynayaa in tiradda xad dhaafka ah ee Masraxa fuushay sabab u ahayd in uu dumo, sida muuqaalada la baahiyay laga arkayayna waxa qaylo isla oogsaday daawadayaashii iyo kuwii uu Masraxu la dumay kaas oo mar qudha la dam yidhi.

Shilkan ayaa ka dhacay gobolka Guizhou, kaas oo ku yaala koonfurta galbeed ee dalka Shiinaha, waxa kale oo uu warku intaa ku daray in sababta dhalisay shilkan baadhistiisa lagu jiro.

https://youtu.be/aOYWtGLxbAs

Hargeisa office
Wajaalenews.net
Wariye Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS