Ceeb!!!! Hadii Siilaanyo Taliyo,Ma Lataliyihiisa oo Xanuusanaya ayuu Cali Khaliif Galaydh Diyaarad Hargeysa Kaga Qaadi Lahaa ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ceeb!!!! Hadii Siilaanyo Taliyo,Ma Lataliyihiisa oo Xanuusanaya ayuu Cali Khaliif Galaydh Diyaarad Hargeysa Kaga Qaadi Lahaa ?
May 27, 2015 - Written by Editor:

Waxa cad oo waadix ah in haba yaraatee uusan dalka ka talin Axmed Siilaanyo,oo uu talax gabay,iyadoo sadexdii sanno ee ugu danbeeyey saxaafadda laga ilaalin jiray oo loo diidi jiray in uu la hadlo ama ay su’aalo weydiiyaan, kadib markii tiraba dhawr jeer su’aalo weydiiyeen saxafiyiintu markaasi oo uu ka jawaabi kari waayey su’aalihii qaarkoodna uu garan waayey,tusaale wakhtiyadii la ogaaday in uu Axmed Siilaanyo isku dhex yaacay waxay ahayd mar isagoo ka dhoofaya garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada hargeysa ayaa waxa la weydiiyey isagoo raba in uu fuulo diyaarad uu u raaco magaalada jabuuti oo uu shir kaga qayb galayey,ayaa la weydiiyey xaga uu tagayo markaasuu garan waayay meel alla meel uu tagayo markaasuu yidhi hirta xagee ayeynu tegaynay dhuxulow ,markaasuu dhuxul yidhi waxaad tidhaahdaa jabuuti ayaan shir kaga qayb galayaa,mar kale wariyad ayaa weydiisay misa haween ah ayaa ku jira golahaga wasiirada markaasu yidhi horta maxamedow imisa ayaan inoogu jira ,mararkaasi iyo marar badan ayaa jiray oo uu garan waayey su’aalo badan oo la weydiiyey waxay arimahaasi daliil u noqdeen in uu odaygii isku dhex yaacay oo uu wax kasta garan waayo,xitaa waxa la sheegay mar uu madaxweyne Ku xigeenkiisu inta uu u soo galay xafiskiisa hadana ka baxay in uu yidhi horta wiilka indhaha buurbuuran ee inaga baxay muxuu ahaa,wasiir xirsi oo ahaa gacan yaraha siilaanyo oo wakhtigaasi awooda sare lahaa ayaa yidhi waa madaxweyne ku xigeenkaagii,akhriste waxaan tusaalooyinkan uga danleeyahay sida taladii uga wareegtay Axmed Siilaanyo in aan waxoogaa idinku soo dhaweeyo,akhristihii u baahan dhadooyinkan aynu ka sheegaynayno in uu si baratikal ah u daawado ha ka ku qoro youtube-ka khaladaada Siilaanyo,halkaasi ayaad ka helaysa wixii uu khaladaad galay iyo sida ay taladii uga wareegtay.

Hadaba nuxurka qoraalka hadii aanu soo noqdo daraad ayaa siyaasiga weyn ahna la taliyaha madaxweynaha Fu’aad Adan Cade oo taariikh iyo xaqba ku leh dalkan Somaliland oo mudo badanba xanuun u jiifay kadib markii xarunta madaxtooyadda dhexdeeda gaadhi ku jidhay,kaasi oo soo gaadhsiiyey dhaawac jabniin ah,ayaa waxa dhaawiciisii daraad magaalada hargeysa uu ka qaaday Cali Khaliif Khalayn oo ah hogaamiye kooxda Somaliland diidka ah ee Khaatumo,halka madaxtooyadda Somaliland ee Siilaanyo dhexfadhiyaana aysan waxba ku darsan,daawenta Siyaasi Fu’aad Adan Cade waa ceeb madaxtooyadu u soo hoysay somaliland.

Qore: Maxamed Ismaaciil Yusuf

Email:maxamed23@gmail.com

Hargeysa/Soamliland

 

COMMENTS
LINKS