|
|||||
WAJAALE NEWS
Aqoonyahan Jaamac Jiir Oo Laba Sano Kadib Maanta Xabsiga Laga Soo Daayey
May 8, 2015 - Written by Editor:Burco:(Wajaalenews)-Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir oo muddo laba sano ku dhaw cabiraadda Fikirkiisa ugu xidhnaa Jeelka Burco, ayaa Saaka dib uhelay Xorriyadiisa, sida ay ehelladiisa qaar kamid ahi noo xaqiijiyeen. Aqoonyahanka, ayaa hore xukun maxkamadeed loogu riday, kadib markii uu maqaalo fikirkiisa uu ku cabirayo uu ku gudbidyey baraha bulshadu ku xidhiidho, waxana arrintaas dhibsaday oo xabsiga u taxaabay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Xubno kamid ah. Aqoonyahankan qoraaga ah, ayaa Haatan si xor ah u jooga Magaalada Burco, iyadoo saaka laga soo daayey Jeelka Weyn ee Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Tog-dheer. Xadhiga Aqoonyahan Jaamac Jiir, ayaa kamid ahaa waxyaabihii ugu adkaa ee lagu dhaliili jirey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, marka laga hadlayo dhinaca Xorriyatul qowlka, iyadoo ay wali xukuumadda Horyaallaan Xarumo Warbaahineed oo Albaabadu u xidhan yihiin.
Related posts:DAAWO: Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Hadlay Dirir Deegaanka Dararwayne Ku Dhex Martay... Weriye Ka Tirsan Tv-ga Qaran S/land Oo La Sheegay In Muddo Bil Ah Uu U Xidhan Yahay Maxakamad La’aan Daawo:Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Labada Maayor ee ay Magaalada Burco Yeelatay Iyo Khilaafk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|