Aqoonsiga Somaliland & Daraasadii u Danbeysay Qalinkii Yaasiin Dhamac Xasan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aqoonsiga Somaliland & Daraasadii u Danbeysay Qalinkii Yaasiin Dhamac Xasan
May 22, 2015 - Written by Wariye:

Aqoonsiga Somaliland Waa Qadiyad u baahan Dadaal badal runtii laakiin inta dadkeena sixir lagu xidh xidhay waxaad moodaa inaan guul badan la soo hoynayn

Jamhuuriyada somaliland waxa dib ula soo noqoqnay 18 may 1991 tan iyo maalintaas jamhuuriyada soomaliland waxay soo martay marxalado kala duwan ilaahay amarkii Guulo badan waynu gaadhnay xag dhaqaalaha,xaga siyaasada,xaga horumarka, hadaba intaasu waa Gudaha wadankeena iyo sidaynu qaranka u dhisnay iyo sidaynu isu hagaajinay cidna Amaan kaga dooni mayno iyo sharaf

Daraasadii u danbaysa waxay sheegaysaa 3 su aalood hadii jawaab loo helo

1-SOMALILAND WADANKII AY MIDOOBEEN HESHIIS MA KU YIHIIN IN AY KALA BAXAAN?

2-MA JIRAA WADAN QUWADAHA ADUUNKA KA MIDA OO BEESHA CAALANKA KU BUSH GAREEYA AQOONSIGA SOMALILAND ISAGOO DANO SIYAASADEED KA LEH??

3-SOMALILAND MA LEEDAHAY KHEYRAAD DABIICI AH OO GANACASI GELI KARA SIDA KUWAYT, SUCUUDIGA IWM OO AAN AHAYN FIKIRKAN SHIDAAL BA WADANKEENA KA BUUXA???

A-Waxa intaa dheer Dadaal dheeraada oo ay la timaado somaliland arimaha dibada

Hadaba Jamhuuriyada somaliland xaq badan baa ka maqan oo u baahan dadaal shacab xukuumadba loo guntado Xaqa somaliland ka maqan ee ugu horeeyaa waa

-Jamhuuriyada Somaliland inay tahay qaran jira oo aduun yada ka mida oo u baahan inay aqoonsi caalamiya ka hesho beesha caalamka sida dowladaha kale ee aduunka

Jamhuuriyada Somaliland & Shacabkeeda waxaad Moodaa inay ku Qanacsan yihiin Somaliland tan maanta ee aqoonsiga haysan waxaan sidaa u leeyahayna wax kale maaha waa dadaal la aan xaga dibada ka jirta

Jamhuuriyada Somaliland waa inay samaysaa 15 Urur Siyaasadeed oo ka shaqeeya  Arimaha Dibada & Aqoonsi Raadinta  Sida Gudaha dalkaba 20 urur siyaasadeed uga jiraan oo dadkii ninba meel ku xidhay

Jamhuuriyada Somaliland Wasaaradeeda Arimaha Dibada & Wasaarada Macdantu Waa inay sameeyaan Qorshe yaal ay khayraaadka somaliland aduunka ugu bandhigayaan si ay u soo dadajiso aqoonsiga soomaaliland  waayo Siyaasadu mal aha saxiib joogto ah ee Dan joogta ah ba jirta

-Jamhuuriyada Somaliland Qaybteda xukuumadu waa inay samayso wacyi Galin wakhti dheer ah si dadka loo baraarujiyo Dariiqa loo marayo aqoonsiga caalamiga ah oo dadka sixirkan laga fur furo lagu xidhay ee ah ninka meel  tagoba somaliweyn buu rabaaa

Jamhuuriyada somaliland waa inay la soco kaadhka siyasadeed ee mandaqada ka socda

oo ay hadba waayaha la jaan qaado waa inay is iibisaa oo aduunyada ka iibin kari mayno xisbiyaano samaynay iyo dimuqradiyad dhexdeena ahe waa inaan isku iibino danaha Guud ee gobolka sida budhacad badeedka ,argagixisada,xal u helida dalka somalia oo dhibaataysan 20 sano seminaar siin saida khilaafaadka loo xaliyo

-Jamhuuriyada somaliland waxa U dana Inay aduun yada ka dalbato ama siyaasad ciyaarto shir weyne wadankii la doono lagu qabto aduunkuna Goob jooge ka ahaado oo Lagu wada hadashiiyo somalia iyo somaliland Ujeedaduna ahaato & Ajandaha shirku somaliland & Somalila Ma midoobayaan mise way kala baxayaan

Jamhuuriyada somaliland u dan maaha shir aanay iyadu ka danbayn siyaasadiisa oo hadba kooxo soomaliya lagu dhex casuumo

jamhuuriyada somaliland waxa u fiican inay siyaasada moqdisho inay dad ka kasbato u ololeeya qadiyada somaliland

Alla Mahad Leh

Qalinka Yaasiin Dhamac Xasan

COMMENTS
LINKS