Amnesty Oo Sheegtay In Tahriibayaasha Lagu Xadgudbo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Amnesty Oo Sheegtay In Tahriibayaasha Lagu Xadgudbo.
May 11, 2015 - Written by Wariye:

Libiya (Wajaalenews):-Tahriibayaasha ka shaqeysta dalka Liibya, ama kuwa safarka ku mara, ayaa waxa ay la kulmaan gaboodfallo, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin ay hay’adda Amnesty International saaka daabacday.

Warbixinta ayaa lagu saleeyay wararka ay sheegeen tobannaan qof oo hay’adda ay ku wareysatay Sicily iyo Tunisiya, kuwaas oo shaaca ka qaaday dhibaatada ay ku arkeen Liibya ee haysta qaxootiga iyo dadka tahriibaya.

Dadkan badankooda waxa ay sheegeen in lagu qasbay in naftooda halis ay u geliyeen, sidii ay u gaari lahaayeen Yurub oo ay ugu nabad gali lahaayeen.

Amnesty waxa ay ka digeysaa, dhibaatada ka dhalan karta tallaabada militeriga ee Yurub ay qorsheyneyso, taas oo ay ku sheegtay in xaaladda ay uga sii dari karto.

Bishii lasoo dhaafay kumannaan Liibya waxaa ka buuxa dulmiga.” Intaasi waxaa laga soo xigtay qof aan lamagacaabin oo u dhashay dalka Nigeria, waana cinwaanka warbixinta Amnesty.

Dikumiintigan, waxaa ka buuxo sheekooyiin argagax leh oo aan la aqrin karin, sida afduub, jirdil, kufsi, loo geysto tahriibayaasha, marka ay Liibya soo gaaraan.

Waxayna warbixinta arrintan ku saleysay, waxa ay ugu yeertay dhibaateyn iyo xadgudub ay geystaan kuwa loo shaqeeyo, qaar ka mid ah muhaajiriinta sharci darada ah ayaa loola dhaqmaan sida addoon oo kale, waxaana lagu xiraa meelo xaaladooda laga argagaxo.

Goobahaasi ma qabaan meel looga baxsado oo laga raadsado meel badqab leh, ayey Amnesty sheegtay.

Tahriibayaasha ayaa lagu qasbaa inay isu dhiibaan kuwa wax tahriibiya oo lacago baad ah ka qaata, ku xadgudba, naftoodana hujuuma.

Qoraalkan ay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda soo saartay, waxaa lagu sheegay in dadka Masiixiyiinta ah si gaar ah ay halis ugu jiraan, oo dhibaato ay kala kulmaan kooxo hubeysan, burcad iyo maamulada.

Warbixinta ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dalalka midowga Yurub ay qorsheynayaan inay tallaabo military ka qaadaan dadka tahriibinta ka shaqeeya.

Madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa maanta arrintani hor geyneysa golaha amniga ee Qaramada midoobeey.

Waxaana loo maleynaayaa in Britain ay qeyb ka tahay dalalka cadaadinaya in la ogolaado in awood ciidan la adeegsado.

Amnesty waxa ay sheegeysaa, haddaan la helin dariiq kaloo nabddoon, in tallaabadaasi aysan xal u noqon karin dhibaatada tahriibayaasha ama qaxootiga.

Hargeisa office
Wajaalenews.net
Wariye Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS