|
|||||
WAJAALE NEWS
Amnesty Oo Sheegtay In Tahriibayaasha Lagu Xadgudbo.
May 11, 2015 - Written by Wariye:Libiya (Wajaalenews):-Tahriibayaasha ka shaqeysta dalka Liibya, ama kuwa safarka ku mara, ayaa waxa ay la kulmaan gaboodfallo, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin ay hay’adda Amnesty International saaka daabacday. Warbixinta ayaa lagu saleeyay wararka ay sheegeen tobannaan qof oo hay’adda ay ku wareysatay Sicily iyo Tunisiya, kuwaas oo shaaca ka qaaday dhibaatada ay ku arkeen Liibya ee haysta qaxootiga iyo dadka tahriibaya. Amnesty waxa ay ka digeysaa, dhibaatada ka dhalan karta tallaabada militeriga ee Yurub ay qorsheyneyso, taas oo ay ku sheegtay in xaaladda ay uga sii dari karto. Dikumiintigan, waxaa ka buuxo sheekooyiin argagax leh oo aan la aqrin karin, sida afduub, jirdil, kufsi, loo geysto tahriibayaasha, marka ay Liibya soo gaaraan. Goobahaasi ma qabaan meel looga baxsado oo laga raadsado meel badqab leh, ayey Amnesty sheegtay. Tahriibayaasha ayaa lagu qasbaa inay isu dhiibaan kuwa wax tahriibiya oo lacago baad ah ka qaata, ku xadgudba, naftoodana hujuuma. Qoraalkan ay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda soo saartay, waxaa lagu sheegay in dadka Masiixiyiinta ah si gaar ah ay halis ugu jiraan, oo dhibaato ay kala kulmaan kooxo hubeysan, burcad iyo maamulada. Warbixinta ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dalalka midowga Yurub ay qorsheynayaan inay tallaabo military ka qaadaan dadka tahriibinta ka shaqeeya. Madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa maanta arrintani hor geyneysa golaha amniga ee Qaramada midoobeey. Waxaana loo maleynaayaa in Britain ay qeyb ka tahay dalalka cadaadinaya in la ogolaado in awood ciidan la adeegsado. Amnesty waxa ay sheegeysaa, haddaan la helin dariiq kaloo nabddoon, in tallaabadaasi aysan xal u noqon karin dhibaatada tahriibayaasha ama qaxootiga. Hargeisa office COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|