Al-shabaab Oo La Wareegtay Saddex Magaalo Oo Gudaha Kenya Ku Yaalla | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Al-shabaab Oo La Wareegtay Saddex Magaalo Oo Gudaha Kenya Ku Yaalla
May 22, 2015 - Written by Wariye:

AL shababNairobi(Wajaalenews):-Guutooyin katirsan Xarakada Al-shabaab, ayaa si rasmi ah ula wareegay Tuulooyin ku yaalla Gobolka W/Bari Kenya, kuwaas oo dhammaantood hoos yimaadda Magaalada Garisa.

Tuulooyinka ay kooxdaasi la wareegeen, ayaa kala Yumbis,Damajaley iyo Amuma, iyadoo Dagaalyahanadaasi la hadlay dadka deegaanadaas ku nool.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya Mwenda Njoka ayaa sheegay in Al Shabab dib looga saaray Tuulooyinkii ay Xalay la wareegeen, mana jiro cid xaqiijin karta warka kasoo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha, balse waar kamid ah dadka deegaanadaas ayaa sheegaya in Al-shabaab wali tuulooyinkaas gacanta ku hayaan, isla-markaana iska caabiyeen Weerar ay ciidamada Kenya kusoo qaadeen.

Xubnaha al-shabaab ee halkaas ku sugan, ayaan wax dhibaato ah gaadhsiinin dadka deegaankaas deggen, waxana ay wacdiyo ay u jeediyeen ugu sheegeen inay dagaallo la galaan Ciidamada Kenya.

Waa markii ugu horraysay ee Xarakada Al-shabaab muddo ayaamo gaadhaysa gacanta ku hayeen goobo katirsan Dalweynaha Kenya oo ay hore uga fulin jireen weraro oo ay dad badan ku laayeen.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye: Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS