AKHRI; Maansada Cusub Ee “Qaran Dumis: Abwaan Mustafe Cumar Ducaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
AKHRI; Maansada Cusub Ee “Qaran Dumis: Abwaan Mustafe Cumar Ducaale
May 6, 2015 - Written by Editor:

Maansadan oo aan ugu tala galay in aan dadka reer somaliland waxku dareen siiyo iyo xaalada dalkani marayo iyo sida madaxdii la doortay aanay ugu danayn masaakiinta  cabudhinta saxaafada muranka faraha badan ee siyaasadeed i.w.m

Waa abwaan mustafe cumar ducaale  oo kudhashay magaalada hargaysa 1977 xaafada daruuraha  waxa aan wax brashadayda kuqaatay biyo dhacay 1983-1996 dugsiga sarre faarax oomaar 1996-2000 iyo jaamacada camuud 2000-2004

Watan maan sadii aan ugu magac daray qaran dumis  oo aan ula jeedo dadka kuwa xumaynaya ee madax iyo shiciba leh.

 

Maansada Qaran Dumis

 

 

Madaxwaynee dooroo

Digreetada ilaabiyo

Dumarbaa ka taliyoo

Dalku wuxu kusugan yahay

Dani inaycid kaba galin

Dadku waxay ku suganyihiin

Dalan baabi iyo silic

Deeqdii aduun yadu

Sama bixinta ooryaha

Ubadkiyo caruuraha

Arinkaa kubixisaa

Iridkale maraysoo

Dalka kii waxgaradee

Udanqada dadkiisee

Ama doodka keenee

Diintaa cuskanayee

Dareen lay ogaadaan

Duul baa u heelane

Qaar dabagalaayoo

Aan diirnaxaynoo

Darban baa uheelane

Dariiquu maraayaba

Dabin uga qodaayoo

Dadka kii udhow iyo

Ku diraaya ehelkoo

Kashifaada gacalkiyo

Kudirqiya xumaantoo

Casharkooda koowaad

Cadadoodu aytahay

Cidi inaydareentaa.

Calaacashaasi madhanoo

Cidi aanay dhaadayn.

Dawladii gidaaradu

Dadka aamusay tidhi

Dalka anaa kataliyoo

Dibadana ubixikara

Anaa doorkan maanta ah

La iidoortay xaajoo

Anaa xaajo daadihin

La’iidoortay gabigeed

Dabadeed heshiis iyo

Wixii doora galikara

Ama doonikara meel

Dalkan loo jihaynkaro

Afartaadhe deelay

Dulucdeeda maansada

Dibwaxaykasoo tidhi

Dawladii gidaaradu 

Doolarkana anaa kicin

Dajin oo hadana kicin

Tijaartana anaa diran

Dalka keena odhan maadh

Doolar aad ka siisaan

La iska daynimaayoo

Dayntu ha iska faaftee

Aakhray u darantee

Danahayga maahee

Danyartu ha iska madhatee

Dawladii gidaaradu

Dadka waxay u jeceshay

Kiidaayacee dhiman

Dabnahana ukalafurin

Cashuurtuna kudaahayn

Ee aan dirsanikaro

Marna aan dabarikaro

Dadkana iiga soo  rara

Fikirkay dugsanayaan

Ee ay ladarisyiin

Damacoodu wuxu yahay

Dadka kiicadhoodana

Anigaa ka dabatagi

Dablay baan dulfurayaa

Dushakagawareegtoo

Diini uma imanine

Ilayndaacadmahee

Dusoodila halkuugalo

Masoo duleeyoo

Dabadhilif kasoo dhiga

Dawladiigidaaradu waxaytidhi

Dabiibaye qabiil baa idaashaday

Isana waan duleeyoo

Bahalaan udirayoo

Aan idhi dawikhiyoo

Dood baan u furayoo

Aan idhi kudaaloo

Dadka iska horkeenoo

Fahamkana udiidoo

Qolodaa warkeedoo

Magacaa ha diidaan

Isra ma adigaa dhalay

Aduu ina ayaa tahay

Aayadaamanooliyo

Islaataa kuwadatiyo

Ereyaan udhiiboo

Iyagaa mashquuliye

Dhaqaalihii xumeeyoo

Dheef waanka dhawree

Dhaqankiixumeeyoo

Dhaqdhaqaaq udiidaye

Ilayndaacad baan ahay

Doorkan waxan hubsanayaa.

Dadku aniga mooye

Bal inay cid doortaan

Dalkankii xukumilaa.

 

COMMENTS
LINKS