“Yaa Ii Ciirsiya Mar Haddii uu Iga Tagay Kii Dadka iigu Dhawaa”: Qalinkii Nimco Baashe Cabdi: | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Yaa Ii Ciirsiya Mar Haddii uu Iga Tagay Kii Dadka iigu Dhawaa”: Qalinkii Nimco Baashe Cabdi:
April 19, 2015 - Written by Editor:

Muddo Badan ayaanu wadda Shaqeyn Lahayn, waxaanu ahayn laba si wayn saaxiib u ah,  markasta iyo meelkasta manaan kala hadhi jirin. Marka Laga Reebo Xiliga Hurdada oo ah Habeenkii uun, Dadku way isku kaaya yaqaaneen Xataa ilmaha Yar ee Socod Baradka ah. Xiliga aanu ku jirno shaqada waxaan qaban jirney hawl aad u adag,  gaar ahaan aniga waxaan ahaa mid qaada waxyaabo culeys badan. Inta Badan Dadku waxay odhan jireen, ka daa waxan oo culeys ah ee aad u dhiibeyso ama uu qaadayo.Balse Saaxiibkey dheg uma dhigi jirin, Hadalka Bulshadu ay ku leedahay wuxuu ahaa mid iska dhaafa. Horta Mid wuu ku wanaagsanaa saaxiibkey, oo marka aan maalintii oo dhan qabto hawl aad u badan, wuxuu I siin jiray caanahayga oo sifiican ayuu ii daryeeli jiray. Hase Yeeshee intaas waxaa, ka awood wayn kana badan inta dhib ee i soo gaadha, Waayo marka uu saaxiibkey iga tago waxaan dareemi jiray kalinimo cidla,Waxaa igu dheeli jiray ama igu  ciyaari jiray, caruurta yar yar iyagoo iga Xaraabeysan jiray, inta badan’na waxay ila dhici jireen dhagax. Waana wax xanuun kulul haddii, billaa sabab laguula dhaco iyagoo igu waddi jiray,  illaa uu soo baxaayo qof wayn oo igala hadla carruurta.  anigu ma awoodo inaan iska celiyo laakiin marka aan xanuunsado waan qayliyaa illeen qaylo waxba kuuma qabato. Marka la qiyaaso hawsha aan qabto, iyo faa;idada aan ku qabo waxaa badneyd hawsha aan qabto, waayo? Inta badan maan Heli jirin wax cunno ama Cabbitaan oo igu filan. Haddana waxaas oo dhan dusha ayaan u ridan jiray, maxaa yeelay maan lahayn wax awood ah ama amar ah. oo aan iskaga daayo hawlaha aan hayo.

waa la iga badan yahay cudud iyo ciidan labadaba,  haddii aan hadlana cid i dhageysaneysa ma leh, in jug la igu aamusiiyo mooyaane. Waxay sidaa ahaataba oo aan muddo badan dhex galgasho dhibka I haysta ee uuna saaxiibkeyna ii ogayn. Waxaa la ii soo diray mid wad keygii noqday oo noloshaydii meel kaga dhacay show waxaba la ii qaatay noloshii aan hiifi jiray ee aan lahaa goorma ayaad ka baxaysaa. Maalin maalmaha ka midda aniga iyo saaxiibkey oo socona, meel waddo ah isla markaana ay baabuurtu ku badan tahay, ana aan sido waxyaabihii culeyska badnaa ee aan hore u qaadi jiray inta badan. Waxaa taayirada nala dulmaray gaadhi, saaxibkey wax badan may gaadhin laakiin aniga ayuu si xun ii galay baabuurkii. Wuxuuna iga jiidhay meelo badan oo Halbowle ah waxaa i burburay qaarka dambe oo dhan. Maalintaa laga bilaabo kii aanu saaxiibka ahayn, halkaa ayuu igu dhaafay xataa iiima gayn meel wadada ka baxsan oo aan fadhiisan karo. wuxuu igu dhaafay Halkii uu Baabuurku igu jiidhay ee wadada dhexdeeda. Waxaan maqli jiray baahi badan iyo Bukaan Badan ba, waa la isku Nacaa illeen waa kalmad dhab ah oo jirta.  ILLAHAY wuxuu ii Bixiyay dadkii meesha joogay, Dhawr nin oo xoog waawayn ayaa ii yimid. waxaa la ii jiiday Gidaar u dhaw Halkii uu Baabuurku igu burburiyay. Waxaana la ii Xidhay Bax aan ka Hadhsado, Cadceeda maalintii maadaamo oo ay tahay xili kulayl. Halkaa ayaan iskaga  jiraa oo saaxiibkeyna dib uma arag. Waxaan is waydiiyaa ninkii aad muddada badan, soo wada shaqeynayseen maxaa helay.?  ee uu cidlada kaaga tagay  waxaan idhi,  Tolow Ayaa Kuu Ciirsiya Madaamo oo uu kii dad kuugu dhawaa kaa tagay, Ma cid kale ayaa wax kugu falaysa mise ku daneynaysa.

Akhriste ilaa maanta waxan aan ka sheekaynayay waa Dameer, oo Dadkeenu inta badan waxay ku shaqeystaan, Dameerka mana Xanaaneeyaan Hadday cunto Tahay iyo Haday Xaga Caafimaad tahay,  markaa waa Xayawaan uu ILLAHAY SWT Abuurtay.  oo Nafleh  markaa ha la ogaado Xayawaanka kuujooga  Guriga ama meel kale waa inaad ogaataa Xanaanadooda iyo ka war hayntooda.

Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

Caashaqa555@hotmail.com

Hargeysa

COMMENTS
LINKS