Xisbiga KULMIYE oo Mawqif Adag Iska Taagay Muddo Kordhinta Golaha Guurtida | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga KULMIYE oo Mawqif Adag Iska Taagay Muddo Kordhinta Golaha Guurtida
April 13, 2015 - Written by Editor:

Dib u milicso mawqifyadii xusbiga kulmiye ka taagnaa mudo kordhinta  SHALAY IYO MAANTA

HALKAN KA BOGO  WAR MURTIYEEDKAASI OO DHAMAYSTIRAN

March 31, 2009

Hargaysa (Wajaalenews)- Hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in go’aankii muddo kordhinta Madaxwayne Riyeele ee golaha guurtidu uu yahay mid baal-marsan sharciga iyo distoorka dalka, isla markaana aanay jirin duruuf muddada xilka loogu kordhiyo xukuumadda wakhtigeedii gabaabsiga yahay.

Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xaruntiisa Hargaysa, waxaana war-murtiyeed laga soo saaray shirkaasi jaraa’id lagu sheegay in go’aankii golaha guurtida ee muddo kordhinta xukuumaddu aanu waxba ka bedelin mawqifkii hore ee xisbiga KULMIYE, kaas oo ahaa in aan xisbiga KULMIYE sinaba u aqbali kariin muddo kordhin aan sharciga iyo distoorka dalka waafaqsanayn.

Warmurtiyeedka xisbiga KULMIYE ka soo saaray shirkaasi jaraa’id oo noqul ka mid ahi soo gaadhay shabakadda wararka ee Wajaalenews, isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:

“Go’aankii Golaha Guurtida ee muddo-kordhinta MADAXWEYNAHA waxba kama beddelin mowqifkii hore Xisbiga KULMIYE ee ahaa inaan Xisbiga KULMIYE sinaba u aqbali Karin muddo-kordhin aan sharciga iyo distoorka dalka waafaqsanayn.

Xisbiga KULMIYE wuxu u arkaa Go’aankii Guurtida ee 28ka March 2009 ee loogu kordhiyey MADAXWEYNAHA muddada lixda bilood ah mid baalmarsan sharciga iyo distoorka dalka, iyada oo aanay oollin duruufaha ku xusan qodobka 83aad farq.5aad, ee loo cuskaday go’aankaas isaga ah, kaas oo dhigaya sidan:- “Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada MADAXWEYNAHA iyo ku-xigeenka MADAXWEYNAHA marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan MADAXWEYNAHA iyo Ku-xigeenka MADAXWEYNAHA , ……”.

Waxa kale oo Xisbiga KULMIYE u arkaa inaan Guurtidu xaq u lahayn sharci ahaan inay cayinto wakhtiga doorashadu qabsoomayso, Sida ku tilmaaman xeerka doorashooyinka Lr.20. 2001 qodobkiisa 8aad oo dhigaya sidan: “Komishanka ayaa cayimaya taariikhda la qabanayo doorashooyinka , si waafaqsan distoorka…”

Dhinaca kale waxaan la tixgelin go’aankii Golaha wakiillada la soo doortay ee ku baaqayey in haddii doorashadu ku qabsoomi weydo muddadaas sannadka ah ee loo kordhiyey Mdaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, in labada Gole ee sharci-dijintu (Baarlamanku) ay isugu yimaadaan fadhi wada jir ah, si ay uga wada go’aan qaataan xaaladda abuurantay.

Waxa xaqiiqo ah in shantii sannadood ee MADAXWEYNAHA iyo ku-xigeenkiisa la doortay ay ku dhammaatay 15 May 2008, iyada oo sababta loogu kordhiyey sannadka dheeraadka ah ay ahayd inuu ku qabto sannadkaa gudihiisa doorashadii Madaxtooyada, taas oo uu ku fashilmay. Haddii mar kasta oo uu Madaxweynuhu qaban waayo doorasho suurtagal noqon mayso in mar walba loogu abaal gudo muddo kordhin cusub.

Sababahaas kor ku xusan awgeed, wuxu xisbiga KULMIYE go’aansaday Qodobadan hoos ku qoran:

  1. In wixii ka dambeeya 6da April 2009 aanu Xisbiga KULMIYE u aqoonsanayn Daahir Riyaale iyo ku-xigeenkiisa kuwo sharci ku fadhiya.
  2. Xisbiga KULMIYE wuxuu diyaar u yahay inuu ka qeybgalo doorasho xor ah oo xalaala, taasoo micnaheedu yahay :-

(i) inaan hantida ummadda (gaadiidka, xafiisyada dawladda, dhulka danta guud, khayraadka badda iyo maaliyadda dawladda) loo adeegsan dano xisbi u gaara.

(ii) in seddexda xisbi u sinnaadaan adeegsiga warbaahinta dawliga ah ( Raadiyow Hargeysa, TV-ga Qaranka iyo Wargeyska Maandeeq), loona magacaabo guddi madax bannaan oo maamusha.

(iii) in ciidamada nabadgelyada (Booliska iyo sirdoonka) aan loo adeegsan dano xisbi u gaara, sidoo kalena inaan ciidanka qaranka loo adeegsanin ujeedooyin ka baxsan waajibaadkiisa Distooriga ah ee difaaca qaranka.

(iv) In la helo garsoor dhexdhexaada oo madax bannaan

Xisbiga KULMIYE wuxuu mar walba u diyaar u yahay in khilaafaadka lagu dhammeeyo wadatashi.

Xisbiga KULMIYE wuxuu soo jeedinayaa in la helo Dawlad wada tashi ku timaada oo lagu wada kalsoon yahay, waajibaadkeeduna ku kooban yahay inay dalka gaadhsiiso Doorasho xor ah oo xalaal ah.”

COMMENTS
LINKS