Xildhibaano Masuuliyiin Iyo Waxgarad Miisan Culus Ku leh Gobolka Gabiley Oo La Filayo In Ay Ku Biiraan Xusbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaano Masuuliyiin Iyo Waxgarad Miisan Culus Ku leh Gobolka Gabiley Oo La Filayo In Ay Ku Biiraan Xusbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani .
April 1, 2015 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews) Xildhibaano masuuliyiin xilal hore Uga soo qabtay iyo waxgarad miisaan culus ku leh gobolka gabiley ayaa lafilaya maalmahan fooda inagu soo haya in ay cududooda ku biiriyaan xusbiga mucaaridka ah ee wadani ,

sida ay noo xaqijiyeen xubno ka tirsan xildhibaanada iyo masuuliyiinta la filayo in ay ku biiraan xusbiga wadani ayaa la tilmaamayaa in ay noqon doonaan taageerayaashii ugu miisanka cuslaa ee usoo diga rogta xusbiga wadani iyadoo la filayo in loo qabto xadlad dhoolatus ah oo uquus goyn doonta xukuumada kulmiye oo mudooyinkii udanbeeyay ay taageerayaal badan oo gobolka gabiley ka soo jeedaa kalsoonidii kala noqdeen xili wakhtigedii ka hadhay mudo 90 cisho ah

wadani 2

Waxayna wararku intaa ku darayaan in ay jireen safaro qarsoodiya oo hogaanka xusbiga wadani ay shirar doceedyo saacado badan qaatay la yeesheen maalmihii udanbeeyay xildhibaanadan iyo masuuliyiintan isbadal doonka ah

Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in doodo adag oo ku saabsan musqabalka xusbiga wadani ay fooda isku dareen,

Xildhibaan Mustafe Sayid Abokor oo waqtiyo ahaan jiray astaanta kulmiye oo aanu waxka waydiinay jiritaanka shirar doceedyada loogu gogol xaadhayo xafladan xildhibaan mustafe sayid oo hogaaminaya xubnaha xildhibaanada ee isbadal doonka ah wuxu yidhi sidan.Waxaan ahay xildhibaan kasoo baxay ururkii dalsan inkastoo ururkaygii markuu xisbinimadii ku guuldaraystay wax uu ku biiray xusbiga kulmiye aniga xildhibaan ahaan majiro cid wax iga waydiisay ku biiritaanka kulmiye xusbi aan ku abtirsadana majiro arintu markay caykaa tahay aniga iyo xildhibaanadayadan kaleba waxaa nala gudboonaatay in aanu xisbiga mucaaridka ah mid ku biirno wana ta hada noo socota xusbiga wadani

sidoo kale mudane xasan ibraahim cali oo ah aqoonyahan siyaasi xusbiga kulmiye u tartamay doorashadii golaha deegaanka oo codad mug wayn usoo hooyay ayaa isna noo xaqiijiyay jiritaanka shirar doceedyadaa lagu gorfaynayay sidii loogu digo rogan lahaa xusbiga wadani mudane xasan ayaa isna timaamay uu xisbigii garan waayay halkgankii uu doorashadii u danbeeyay galayna la iloobay waxaanu tilmaamay in isbadalka loo baahan yahay

Sikastaba ha ahaatee xuukumada siilaanyo bulshada reer gabiley ayaa u muuqata qaar sii kala fogaanaya mudooyinkii udanbeeyay iyo ilaa bilowgii xukumada siilaanyo oo iyadu hoos usii dhacay taageerada bulshada uhaysay iyadoo xiliga ay raadinayso mudo kordhin reer gabileyna lafilayo in ay iskugu biyo shubtaan mucaaridka

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS