Weftigii Maraykanka Oo Wasiirkii Hore Maaliyada Md Samaale Wax Ka Waydiiyay Gacan Ku Haynta Talada Dalka Ee M.Siilaanyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weftigii Maraykanka Oo Wasiirkii Hore Maaliyada Md Samaale Wax Ka Waydiiyay Gacan Ku Haynta Talada Dalka Ee M.Siilaanyo
April 9, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa, (Wajaalenews) -Weftigii Maraynkanka ah, ee socdaalka ku yimi Somaliland, ayaa shalay kulmo gooni-gooni ah la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xisbiyadda Mucaaridka ah, ayaa sidoo kale kulmo shaqsi shaqsi ah la yeeshay Wasiirkii hore Maaliyadda Cabdicasiis Samaale iyo Wasiirkii Hore ee Warshadaha Abiib Timacade.

Ma jiraan warar madaxbannaan oo si toos ah uga soo baxay kulmada ay Weftigu la yeesheen laba siyaasi.

Hase-ahaatee xogo wargeyska Ogaal ka soo xigtay ilo wargaleen ah oo u dhuundaloola kulmaddaasi, waxay tibaaxeen in weftigu ka hortii aanay imanin Somaliland, khadka isgaadhsiinta kula soo xidhiidheen laba nin, isla markaana ay shalay midba gaarkiisa waddahadal ugula yeesheen Hotelka Ambassador.

Xoguhu waxay intaa ku dareen, in weftigu labadoodba waxa ka waydiiyay arrimo isku mid ah, kuwaasoo ugu waaweynayeen, khilaafka xisbiga Kulmiye, qabsoomid doorashooyinka iyo gacan ku haynta talad dalka ee Madaxweyne Siilaanyo.

Xoguhu waxay intaa raaciyeen, in weftiguna dhinacooda ay gaar gaar ugu sheegeen mowqifka ay dawlada Maraykanku ka taagantahay qabsoomid doorashooyinka Somaliland, waxaanay muujiyeen in Somaliland dantanu ku jirto in doorashadu dhacdo aakhirkan sannadkan.Haddii ay dhici waydanaa ay Somaliland wajihii doonto duruuf ku adkaan doonaa.

Siday xoguhaasi tibaaxeen weftigu waxay labada masuul midba gaarkiisa u waydiiyeen, in hogaaminta talada dalku tahay mid si buuxda gacanta madaxweynaha ugu jirta iyo in cid kale shokaanta hayso?. Su’aasha oo sida xoguhu sheegeen ahayd tii ugu adkayd, waxay tibaaxuhu iftiimiyeen in labada masuulbaa jawaabo ka bixiyeen.

Wax kale oo xogahaa lagu sheegay inay u sheegeen weftiga in madaxweynuhu yahay masuul loo doortay hoggaaminta talada dalka, isla markaana uu isagu madaxweyne ka yahay dalka.

Khilaafka xisbiga Kulmiye iyo saamaynta uu ku leeyahay doorashadda ay iyana weftigiisi kala sheekeeysteen labada masuul.

Hase-yeeshee xogahaas may sii bayaamin nuxurka waddahadaladda, isla markaana ma cadda sababta weftiga maraykanku ugu xishay la kulanka siyaasiiyiinta oo ka tirsan garab ka mid ah labada garab ee xisbiga Kulmiye isu hayo. Laakiin wax suuragala in kulamadaasi dabasocdeen hadalo hore uga soo yeedhay labada masuul markii ay xilka wareejinayeen, kuwaasoo u dhadhamayay in taladii dalka cid kale maroorsatay, ciddaasina ay tahay cidii iyaga meesha ka saartay.

Xigasho OGAAL

COMMENTS
LINKS