Wefti Uu Hogaaminayo Guddoomiye Cirro Oo U Ambabaxay Dalka Itoobiya Iyo Ujeedada Safarkooda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wefti Uu Hogaaminayo Guddoomiye Cirro Oo U Ambabaxay Dalka Itoobiya Iyo Ujeedada Safarkooda
April 12, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Wefti balaadhan oo iskugu jira Mudaneyaal wakiilada ka tirsan,Wasiir xigeeno iyo agaasimeyaal ayaa maanta u ambabaxay dalka Itoobiya, halkaasi oo ay ku soo qaadan doonaan Culuun la xidhiidha Maamul wanaaga.

wafti golaha wakiilada ah

Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo weftigan hogaaminaya, ayaa sheegay in weftigan oo iskugu jira golaha xukumadda iyo kan baarlamaanku soo qaadan doonaan tababar la xidhiidha hogaaminta wanaagsan.

Weftiga cirro“Waxaanu maanta halkan ku maraynaa wefti balaadhan oo Somaliland ka socda, kuna socda Itoobiya si ay ugu soo qaataan tababar ku saabsan hogaaminta. Waxay weftigani iskugu jiraan 20 Xildhibaan, Xubno golaha Xukumadda ka socda iyo agaasimeyaal guud, tababarkaasna waxaanu filaynaa inuu noqdo mid wax u tara Somaliland”, ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Gudoomiyaha wakiilada ayaa sidoo kale sheegay inay halkaasi kulamo kula yeelan doonaan Masuuliyiin African ah “Intaanu halkaas joogno waxaanu la kulmi doonaa Masuuliyiin dalka Ethiopia ka tirsan, waxa kale oo aanu la kulmi doonaa Ururka Midawga Africa(AU), kuwaasi oo aanu kala hadli doono arrimaha Somaliland oo Citiraaf raadintu ugu horayso, waxaanan filaynaa inaanu wax badan ka soo qaban doono” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

 

COMMENTS
LINKS