|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Oo Iska Diiday Inuu Buuxiyo Fursad Xildhibaanimo Oo Uu Haysto
April 4, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)- Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Axmed Cabdi Kaahin, ayaa iska diiday inuu ka mid noqdo Golaha Wakiilada isla markaana buuxiyo Jagadii uu baneeyey Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane oo dhawaan Geeriyoday. Wasiir Axmed Cabdi Kaahin ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii UDUB ugu sharaxnaa Gobolka Awdal balse aan soo bixin, waxaanu yahay Xildhibaan 13, haddii wasirku buuxin waayo jagadaasi waxa dhacaysa in aanay Xilkaasi cid kale buuxin maadama oo ay dhammaadeen 13kii xildhibaan ee UDUB uga sharaxnaa AWDAL. Wasiir Axmed Cabi Kaahin, oo maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay inuu Ogyahay inuu haysto fursadaasi Xildhibaannimo, balse aanu rabin inuu buuxiyo. Waxa uu sheegay inuu ka door bidayo Xilkiisa Wasiir-nimo ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay. Wasiirku waxa uu sheegay inaan beeshiisu arrintan kala tashadan isna aanu la soo hadal qaadin, inuu la soo hadal qaadana rabin. – Related posts:Dawlada Itoobiya Oo Noqotay Dalkii Ugu Horeeyay Ee Aqoonsada Madax banaanida Somaliland Iyo Wararkii... Baarlamaanka Somaliya Oo Mudo Kordhin Usameeyay Farmaajo Xili Xaalada Siyaasadeed Ee Dalku Qasan Tah... Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Kormeer Ku Tagay Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Magaalada Berbera COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|