Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo kulan la yeeshay Wasiirka-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Dalka Talyaaniga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo kulan la yeeshay Wasiirka-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Dalka Talyaaniga
April 22, 2015 - Written by Editor:

ROMA(Wajaalenews) Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane, Maxamed Biixi Yoonis ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga Mudane, Lapo Pistelli Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda dalka Taliyaaniga. Labada wasiir ayaa kulan ay ku qaateen Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Taliyaaniga kaga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin

IMG-20150422-WA0002  IMG-20150422-WA0000

1) Cilaaqaadka labada wadan ee dhinacyada iskaashiga iyo horumarinta

2) Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland iyo sidii ictiraaf uga heli lahaayeen wadamada reer Yurub ee Taliyaanigu ka mid yahay

3) Sidii dawlada Taliyaanigu uga mid noqon lahaayeen Sanduuqa horumarinta Somaliland

Kulan oo labada masuul ay kaga wada hadlayeen arrimahaasi kor ku xusan sidii loo dardargalin lahaa iskaashi iyo xidhiidh cusub oo labada wadan ay yeeshaan ayaa la isla afgartay badiba qodobadii laga wada hadlay iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka dhoofay caawa Magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga isaga oo saacada soo socota ka dagi doona dalka UK Magaalada London oo kulan kula yeelan doono Masuuliyiin ka tirsan dawlada Ingiriiska.

Wasaarada Arrimaha Dibedda

COMMENTS
LINKS