Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed biixi Ayaa Caawa kulan Balaadhan Laqaatay Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Norway | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed biixi Ayaa Caawa kulan Balaadhan Laqaatay Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Norway
April 28, 2015 - Written by Editor:

OSLO(Wajaalenews) Wasiirka arimaha dibada iyo  iskaashiga caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis oo mudooyinkii udanbeeyay safar shaqo ku marayay qaarada qurub ayaa caawa kulan balaadhan In ka badan 200 oo ka mid ah jaaliyadda Somaliland ayaa ka qayb galay kulan ka dhacay Oslo, Norway, si ay u dhagaystaan warbixin u Wasiirku ka siinayay Jaaliyadda horumarka Qaranka Somaliland ka gaadhay dhinacyada Xidhiidhka ganacsiga ee Somaliland la leedahay Ethiopia, horumarinta Marinka Dekeda Berbera, arrimaha dooroshooyinka, Qoxootiga ka soo Qulqulaya Yemen iyo ahmiyada Xafiiska Somaliland ee Norway.

IMG_1509 IMG_1506 IMG_1498

Kulankani oo ay qudbado ka jeediyeen xubno badan oo ka tirsan jaaliyada ayaa waxa soo gabo gabeeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mohamed Behi Yonis, – Kulankan oo si baxaad leh ay uga soo qayb galeen xubnaha Jaaliyada Somaliland ee ku nool dalkaasi oo soo buuxiyay hoolkii shirka ayaa ka turjumay sida ay u danaynayeen jaaliyada Somaliland ee Norway ka qayb galka kulan Wasiirka Arrimaha Dibeddu ku tagay dalka Norway oo ay booqashadiisii koowaad ee uu dalkaasi ku tago.

 

COMMENTS
LINKS