Wasiir Cukuse Oo Beeniyey Inuu Ka Heeso Waddani ah TV-ga Qaranka Ka Joojiyey, Kana Hadlay Arrinta Fannaaniinta Xiddigaha Geeska | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Cukuse Oo Beeniyey Inuu Ka Heeso Waddani ah TV-ga Qaranka Ka Joojiyey, Kana Hadlay Arrinta Fannaaniinta Xiddigaha Geeska
April 5, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa:(Wajaalenews)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse), ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Warar sheegayey in TV-ga iyo Idaacadda qaranka laga joojiyey Heeso waddani ah oo ay qaadaan Fannaaniinta Kooxda Xiddigaha Geeska.

Wasiir Xukuse oo munaasibad uu ka Hadlayey arrintan ku xusay, ayaa sheegay inaanay jirin gebi ahaanba wax heeso ah oo dhinaca waddaniyadda ah oo la joojiyey, waxana uu intaas ku daray in heesahaasi yihiin qaar aan laga maarmi Karin,‘Waxba kama jiraan in TV-ga qaranka laga joojiyey Heeso waddani ah. Heesaha waddaniga ahina waxa ugu   badan ee aynu dadka ku wacyigelino weeye, heesaha wadaniga ahna waxa sameeyey Abwaano tiro badan oo waaweyn iyo qaar yaryar.” Ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa si gaar ah uga Hadlay Kooxda Xiddigaha Geeska oo Heesahooda in la joojiyey ay soo baxaysay, waxana uu tilmaamay inuu kooxdaas ixtiraam u hayo, balse shakhsi kamid ah uu si gaar ah u joojiyey, waxana uu yidhi,

“Kooxda Xiddigaha la yidhaahdo fannaaniin tiro badan oo soo kacay oo magac leh bay leeyihiin, fannaaniintaas tirada badan dhamaantood waanu soo dhaweynaa, laakiin waa laga yaabaa inaanu joojino mid magacooda si khaldan u isticmaalay, markaasi uu inta kalena magacoodii inta uu soo hoosgalo sidaas khaldan u faafiyo been aan jirin.”

Wasiirku ma uu magacaabin qofka kooxda Xidigaha Geeska katirsan ee uu joojiyey, balse waxa uu sheegay in qofkaasi uu si khaldan u isticmaalayey magaca Kooxda.

Dhawaan ayey ahayd markii ay soo baxeen warar sheegayey in Wasiir Cukuse uu Tv-ga qaranka ka joojiyey Heesaha Abwaan Dhuxul oo Kooxda Geeska kamid ah, balse Haatan wasiirku si gaar ah uma magacaabin abwaan Dhuxul, waxase uu Qiray inuu shakhsi kooxda kamid ah TV-ga ka joojiyey.

 

 

COMMENTS
LINKS