Wasaaradda Arrimaha Dibada England Oo Marti Qaad Su’aalo Adagi Ka Dambeeyaan U Soo Diraysa Madaxweyne Siilaanyo, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Arrimaha Dibada England Oo Marti Qaad Su’aalo Adagi Ka Dambeeyaan U Soo Diraysa Madaxweyne Siilaanyo,
April 3, 2015 - Written by Editor:

London(Wajaalenews) – Wasaaradda arrimaha Dibada ee Dalka Ingiriiska ayaa la sheegayaa in ay maalmaha soo socda marti qaad rasmi ah u fidinayso Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

siilaanyo england

Martiqaadkan oo salka ku haya dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Somaliland oo la filayay in ay ka qabsoomaan dalka Bisha June ee Fooda inagu soo haysa ayaa la sheegayaa in ay dib uga dhacayso wakhtigii loo qoondeeyay.

Wasaaradda arrimaha dibada Ee Dalka Ingiriiska oo si weyn u taageerta Dimuqraadiyada Somaliland ka jirta ayaa la filayaa in ay su’aalo waydiiyaan Madaxweynaha Somaliland sababaha dib u dhigi kara doorashooyinka, waxaana ay ku adkayn doonaan in aanay doorashadu wakhtigeedii dib uga dhicin.

Madaxweynaha Somaliland oo dhawaan uun labada Gole ee Guurtida iyo wakiiladda ujeediyay khudbad sanadeedkiisii ayaa sheegay in doorashada dib u dhac ku yimaadaa aanay sababteeda wada lahayn xukuumaddu, hasayeeshee ay dib ka soo bixi doonto cida loo dacal saarayaa.

Hadaba Madaxweynaha iyo waftiga ku wehelin doona socdaalkoodan ay ku tagayaan dalka Ingiriiska ayaa waxa kaga horeeya su’aalo ay ku adkaan doonto in ay wada liqaan hasayeeshee looga baahan yahay in ay cudur daar u sameeyaan.

Beesha caalamka ee Dimuqraadiyad raadiska ah ayaa sanadka 2016-ka ujeedsan doonta dalka Somalia oo aanay muddo dhawr iyo labaatan sano ah ka jirin raadadka dimuqraadiyadu, waxaana la filayaa hadii ay suurtogal noqoto in ay doorasho madaxweyne ka dhacdo dalkaasi.

Arrintan ayaa ku riixaysa in aanay Somaliland dib u riixin wakhtigeeda doorashada madaxtinimada, waxaanay ilaa hada xukuumadu raadinaysaa dariiqii ay ugu marmarsoon lahayd in aanay doorashadii madaxtinimada iyo wakiiladu uga dhici lahayn Dalka Somaliland.

XIGASHO HADHWANAAGNEWS

COMMENTS
LINKS