War Deg Dega ;Bas Siday Ardayda Iskuul Oo U Qaaday Dooxa Dacar Budhuq Dhimashada oo Hal Qof ah IyoTirada La Badbaadiyay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Dega ;Bas Siday Ardayda Iskuul Oo U Qaaday Dooxa Dacar Budhuq Dhimashada oo Hal Qof ah IyoTirada La Badbaadiyay,
April 30, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) wararka aanu ka helayno dad goob jooga ah Magaalada Dacar Budhuq Ayaa Waxaa Ay Sheegayaan In Dooxa Dacar Budhuq Uu Qaaday Gaadhi Bas Ah . oo siday Ardayda Iskuulka  Daarul xigma ee magaalada hargaysa ardayda daadku qaaday ayaa u badnaa hablo halka wararna anu helaynaa noo xaqiijiyeen in ay ku geeriyootay Alleha unaxariistee Hibo maxamed  mawliid oo kamid ahayd ardayda halka wali la laaya ay qaar Kamida ardayda qaarna laga soo badbaabiyay dooxa Dacar Budhuq

Tirada ardayda   Bas  saarnaayeen 28 Arday oo dalxiis ahaan u tagay Magaaladda Berbera.

Baska ardayda sida ayaa waxaa leh shirkada salaama bas kuwasi oo ay ka muuqato wadaha gaadhi masuuliyad daro isagoo siday arday intaa in uu dooxa oo socda soo galo, midka mida dadka ku sugnaa magaalada dacar budhuq oo la hadlayay shabakada wararka ee wajaalenews

Baskan oo gelinkii dambe ee maanta ka soo anba-baxay Magaaladda Berbera ayaa waxa qaaday Dooxa Dacar Budhuq,

dhinaca kale wasarada  caafimaadka ayaa gurmad u samaysay waxaana ka hadlay

Cabdilaahi Cabdi Yuusuf Agaasimaha oo ahXog Ururinta iyo Warbixinaha Caafimaadka ee Wasaarada Caafimaadka ayaa hadhwanaagnews u xaqiijiyay in ay 27kii arday ee laga soo reebay dooxa ay ku daawaynayaan Cusbitaalka Dacar budhuq.

Dadka deegaanka, Wasaarada caafimaadka iyo dadweyne kale ayaa u gurmaday gaadhigaasi, hasayeeshee waxa ay ku guul daraysteen in ay gabi ahaanba badbaadiyaan, in kasta oo ay tiradii ugu badnayd banaanka soo dhigeen

 

WAJAALENEWS  DESK

HARGAISA OFFICE

COMMENTS
LINKS