War Deg deg ah: Wiil uu Dhalay Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Puntland Oo Hooyadii Toogasho Ku Dilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg deg ah: Wiil uu Dhalay Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Puntland Oo Hooyadii Toogasho Ku Dilay
April 9, 2015 - Written by Editor:

Garowe:(Wajaalenews)-Wararka laga helayo Maamul-goboboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa sheegay in wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Maamulkaas Cabdiraxmaan Faroole uu qudha ka jaray Hooyadii oo lagu magacaabi jirey Aamina Abiib.

Wiilka Dilka geystay, ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar, waxana uu kamid ahaa Tiro wiilal ah oo uu madaxweynahaasi dhalay, waxana soo baxaya Warar dheeraad ah oo sida dilkaasi u dhacay faahfaahinaya.

Warka ayaa sheegaya in Aamina Abiib ay u dhimatay rasaas ka fakatay Qori la sifaynayey oo uu gacanta ku hayey Cumar C/raxmaan Faroole, rasaastaasi oo ka haleeshay Madaxa.

Aamina Abiib waxaa ay ahayd Xaaskii Labaad ee Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ee Xilligan Cabdiweyli cali gaas iyo saraakiisha kale ee Maamulkaas ayaa Tacsi u diray Ehelka Hooyada geeriyootay, waxana ay si gaar ah u tacsiyeeyeen Madaxweynihii hore ee Maamulkaas Mudane Cabdiraxmaan Farooel.

Dhimashada Marwada Madaxweynaha hore, ayaa waxa warbaahinta u xaqiijiyey Booliska iyo Ehelladeeda, waxana si weyn looga Hadal hayaa Gebi ahaan Deegaanada Maamulkaas.

 

 

COMMENTS
LINKS