Wafdigii Muuse Biixi Hogaaminayay Oo Hargaysa Ku soo Guryo Noqdey.Daawo+Sawirada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafdigii Muuse Biixi Hogaaminayay Oo Hargaysa Ku soo Guryo Noqdey.Daawo+Sawirada
April 16, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(W.N):Wafti balaadhan oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Xisbiga Talada Dalka haya ee kulmiye Mujaahid Muuse Biixi cabdi Xubnana Ka Ahayeen Guddoomiye ku xigeenka iyo Xog-hayaha Xisbiga Ayaa oo Maalmihii U Danbeeyay Safaro ku marayay Gobolada bariga ayaa maanta galinkii hore soo gaadhay caasimada hargaysa.
marwada iyo wefdigiii muuse

Tageerayaasha xisbiga iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumada ayaa waftigan kaga Hortag Duleedka Bari ee Magaalada hargaysa kuna qaabilay waftigan.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo tageerayaasha la hadlay ayaa sheegay in Safarkoodani ahaa mid lagu soo xaal ogaanayo xafiisyada xisbigu ku leeyahay

gobolada dalka waxaana uu yidhi. “waxaanu soo marnay safar dheer oo gobolada bariga ahaa waana lagu nabad qabay Kaliin kulul ayaa jirtay taasna ilaahay wuu ka soo furtay,dad wanaagsan oo niyada fiican oo kal gacal balaadhan u qaba xisbiga iyo somaliland ayaanu goboladaas aanu maraynay ku soo aragnay,wanaag ayay dhamaantood nastuseen,anaguna wixii xisbiga fariin Aanu uga sidnay waanu gaadhsiinay.

intaas waxa uu ku daray mujaahid muuse biixi cabdi.”xisbigu waa xisbi qaran intaanu jiidaha bariga maraynay goboladii aanu tagnay oo dhan dadkii shacabka ahaa ee joogay noomay kala hadhin waxaana ay nagu qimeeyeen xisbigani inuu yahay xisbiga midnimada horumarinta iyo barwaaqada somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga kulmiye mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa isaguna ku dheraaday safarkan iyo ujeedada ay u tageen gobolada bariga somaliland.

“Mudo laba toddobaad ku dhaw ayaanu idinka maqnayn waxaanu soo marnay Gobolada dalka inta bariga oo dhan,waxaanu kula soo kulanay dadkii kulmiye iyo masuuliyiintii gobolada,Dhalinyaradii odayadii iyo bulshadii goboladaas sifiicana way noo soo dhaweeyeen,Idinkuna Aad iyo aad ayaad u mahad santihiin sida xamaasadu ku dheehan tahay ee aad noogu soo dhawayseen magaaladii hargaysa.

intaas waxa uu ku daray Mujaahid Maxamed Kaahin.”waxaan idiin sheegaynaa goboladii aanu soo marnay oo lix gobol inaanu ku soo aragnay dad muda kar Ah oo muwaadiniin Ah xisbiga kulmiyena jecel,safarkani waxa uu ahaa mid aanu ugu kuur galayno xaalada xafiisyada xisbiga ku leeyahay gobolada bari,waxaana uu ku soo dhamaaday si guul ku dheehan tahay.
wefdigii muuse44muuse iyo ina kaahin

Guddoomiyaha iyo waftigiisa ayaa tageerayaasha xisbiga kulmiye ku qaabileen Duleedka Hargaysa kuwaas oo luxayay astaan calanka kulmiye iyo caleemo qoyan oo ay ku qaabileen waftigan inta mudada ah ku maqnaa gobolada bariga somaliland

COMMENTS
LINKS