|
|||||
WAJAALE NEWS
Ururka Daacish Oo Madaxa Ka Guray Shan Saxafi Oo Dalka Libya Ka Hawgeli jirey
April 28, 2015 - Written by Editor:Albaydaa(Wajaalenews) Islaamiyiinta Daacish qaybtooda Waddanka Libya, ayaa qudha ka jaray shan saxafi oo ay gacanta ku hayeen, waxana maalintii shalay Meydadkooda laga helay Magaalada Albaydaa ee Bariga Waddanka Libya. Suxufiyiintan ayaa la sheegay in qoorta laga gooyay sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dalka Liibiya, muddo 8 bilood ka hor ayaa la afduubtay Wariyeyaashan. Shanta Suxufi ee Kooxda Daacish ay dileen, ayaa waxa ay u shaqeynayeen Telefishin Maxali ah oo ku yaallo dalka Liibiya, kaasi oo lagu magacaabo Barqah, iyadoo howlwadeenada TV-gan ay aad uga naxeen falka lagu dilay Shantan Wariye. Afar ka mid ah Suxufiyiinta waxa ay u dhasheen dalka Liibiya, halka midka Shanaadna uu u dhashay dalka Masar sida ay qortay Wakaalada Wararka ee Reuters. Tv-ga ay ka shaqeynayeen Suxufiyiintaan ayaa taageera arimaha Dowladda iyo ciidamada la dagaalamaya Kooxda Daacish. Ururada Suxufiyiinta caalamka ayaa durba cambaareeyay falkan naxdinta badan ee Kooxda Daacish ay ku dileen shantaan Suxufi ee ka shaqeynaayay TV-ga Barqah ee dalka Liibiya. Daacish waxa ay horay u dileen dad badan oo qaarkood ay qoorta ka jareen, halka qaarna ay nolosha ku gubeen Related posts:DAAWO ;Masuuliyiinta Ururka Jiidali ee G/Togdheer Oo Xukuumada ku Eedeyay Xadhiga Guddoomiyaha Ururk... Daawo: Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Degmada Darasalaam Ka Dhagax Dhigtay Cisbitaal Iyo 2 Ceel Bi... Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Dagaalka Gobolka Tigray Iyo Kumaan Qof Oo Ka Barakacay Guryahoodii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|