Suldaan Xasan Suldaan Cabdillahi Suldaan Cabiraxman Suldaan Diiriye Wuu Igu Banaan Yahay.Muj Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaan Xasan Suldaan Cabdillahi Suldaan Cabiraxman Suldaan Diiriye Wuu Igu Banaan Yahay.Muj Cali Guray.
April 30, 2015 - Written by Editor:

Muj cali guray ayaa ku hambalyeeyay suldaanka guud ee subeer awal suldan xasan suldaan cabdiraxmaan sida uu uga hadlay arinta mudo kordhibta iyo jawabta saleebaan gaal mar uu  barta bulshadu ku kulanto kaga hadlay arin ayaa wuxuu yidhi.

‘Suldan Xasan Suldan Cabdillahi Suldan Cabiraxman Suldan Diiriye wuu igu banaan yahay wuxu hadlay maalin jiritaanka Somaliland ay joogto YAA MAAL JIRAYEEY. Hadalkii Saleebaan Gaal wuxu ahaa mid aan gar Iyo daw midna lahayn Somalilandna KA dhigayay wax aan jirin ee siduu doono uu ka yeeli karo dadkiisana wuxu ka dhigay dad aan tashan karin isaga la’aan tii hadii ay tashasaana uu isagu ku sandulayn karo wax aan ahayn wixii ay ku tashadeen.

Saleebaan iyo golahan fasaqay sidii loo dortay 1997kii maalin irbad dun umay gelin Somaliland balse hadba ninka kursiga madaxwaynaha ku fadhiya ayuun baa u adeegsanayay hadba sida uu doono si uu dastuurka ugu tunto maantana ta uu wado Saleebaan waa kala dirkii Sonaliland in beenaale la yidhaa wuu u qalmaa. Haduu diido wixii lagu tashaday ee lagu wada heshiiyay waxa uu doonayaa saw maaha wax aan la isla ogolayn ayaan sanka idin kaga tolayaa oo la is muquuninayaa. Jawaabtii Suldaan Xasan baa siiyay oo yidhi MARNA TAAGTAA MARNA TAMARTAA

COMMENTS
LINKS