|
|||||
WAJAALE NEWS
“Sucuudigu Dagaal Kulama Jiro Dawladda Iiraan..”Wasiirka Khaarajiga Sucuudiga
April 13, 2015 - Written by Editor:Riyaad(Wajaalenews) Wasiirka Arrimaha dibadda Sucuudiga, Prince Saud Al Faisal, ayaa sheegay inaan dalkiisu dagaal kula jirin dawladda Iiraan, waxaanu ugu baaqay Iiraan inay joojiso taageeradeeda Xuutiyiinta Yemen. Wasiirka oo ka hadlayay kulan uu la yeeshay dhigiisa Faransiiska Laurent Fabius, oo ku sugan Riyaad ayaa sheegay inaanay haboonayn in Iiraan ku baaqdo joojinta duqaynta Yemen “Sucuudi Carabiya dagaal kulama jirto Iiraan. Waxaanu jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ka rajaynaynaa inay joojiso taageerada ay u fidiso Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen”, ayuu yidhi Wasiirka khaarajiga Sucuudiga. Waxa uu wasiirku sheegay in taageerada Iiraan ee Xuutiyiinta Yemen arrinta uga sii dartay “Sidee Iiraan noo odhan kartaa joojiya dagaalka isbahaysigu ka wado Yemen?. Waxaanu Yemen u nimid si aanu u caawino dawladda Sharciga ah ee Yemen, Iiraan masuul kama aha Yemen” Dawladda Sucuudiga ayuu dagaalku ku yeeshay Saamayn ah in Xuduudkeeda ay soo weeraraan Xuutiyiinta halkaasi oo dhawr Askari lagaga dilay sidoo kalena laga cabsi qabo in ku dhawaad boqol degaamada xuduuda ah looga guuro cabsida Dagaal Xuutiyiintu la beegsato Related posts:Maxaa Laga Filan Karaa Maxkamada Sare Jsl Oo Loo Gudbiyey Caqabadii Saami Qaybsiga Ee Doorashada G, ... Mulkiilaha Hargaysa Taxi Oo Gaadhi Ambalas Ugu Deeqay Dagmada Agabar Iyo Gudoomiyaha Dagmada Agabar ... Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Oo Gaadiidka Gurmadka Deg-dega ah ee Caafimaadka Ku W... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|