Sucuudiga Oo Ka Hadlay Go’aanka Pakistan Ka Qaadatay Dagaalka Yemen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sucuudiga Oo Ka Hadlay Go’aanka Pakistan Ka Qaadatay Dagaalka Yemen
April 11, 2015 - Written by Editor:

Riyaad(Wajaalenews)-Dawladda Sucuudiga ayaa ku dooday inaan go’aanka dawladda Pakistan ka qaadatay Dagaalka Yemen waxba u dhimi doonin  hawlgalka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen “Inaanay Pakistan ka qayb qaadan hawlka, waxba yeeli mayso shaqada Isbahaysigu waddo”, ayuu yidhi Afhayeenka hawlgalka Sucuudigu hogaamiye General Ahmed Asiri.

sucuudiga 22

Baarlamaanka Pakistan ayaa shalay soo saaray qaraar ah in Pakistan dibada ka joogto dagaalka Yemen. Go’aanka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in Xukumadda Pakistan dhexdhexaad ka ahaato dagaalka islamarkaana qayb ka qaadato dedaalo lagu dhexdhexaadiyo kooxaha dagaalamaya.

Dawladda Sucuudiga ayaa hore uga codsatay Pakistan inay ku biirto hawlgalka cirka ee Sucuudiga iyo waddamada Khaliijku ka wadaan Yemen. Sucuudiga ayaa sidoo kale ka codsaday Saanad dagaal oo Diyaaraddaha iyo hubka u badan, balse baarlamaanka Pakistan ayaa arrintaasi hor istaagay.

Dawladda Sucuudiga ayaa wali wadda duqaynta Xuutiyiinta, iyadoo sheegtay inay duqayso Garoomada Ciyaaraha, Iskuulo iyo meelo kale oo dadweyne kadib markay ogaatay in Xuutiyiintu u isticmaalaan meelo ay hubka dhigtaan kuna gabadaan.

Inkasta oo Sucuudigu sheegayo inay horumar ka sameeyeen Duqaynta Yemen, haddana  weriyaha BBC-da ee Riyaad ayaa sheegaya in duqeymahaasi laguguuldareystay in ay hakiyaan horumarka ay sameynayaan Xuutiyiinta isla markaana go’aanka dalka Pakistan uu dharbaaxo ku yahay Sucuudiga.

 

COMMENTS
LINKS