|
|||||
WAJAALE NEWS
Sidan Muu Ahaan Jirin!w/q. Muna Axmed Cumar
April 7, 2015 - Written by Editor:Habeen oo dhan ma seexdo mana soo jeedo. Labadaa xaaladood buu u dhaxeeyaa. Habeen walba waa u soo jeed, mirqaan, raamsi, fadhi, yuurur. Maalintiina waa u hurdo, caajis, qaaddiro, indho cascasaan, hiif, canaan, qaylo, raadin iyo xayraan. Noloshiisa isagaa sidan u gartay. Mayee kan uu quuto ayaa u gartay. Kan uu quuto sow isagu muu doonan ma isagaa soo doontay?!Muna_Axmed_CumarMarkii uu yaraa wuu casaa oo qurxoonaa hadda waa dhuxul madow indhuhuna ma qabanayaan. Qosol qurxoon iyo ilko dhayda ka cad ayuu lahaa imikana af qashuush ah iyo ilko dhooqo ah ayaa ka soo hadhay. Wuu dheeraa oo xarrago badnaa imikana wuu gotay waanu maryo cawlan yahay markaad aragtaba. Salaanta dadka wuu deeqsiin jiray imikana cidba ma arko. Ehelka, qaraabada iyo asxaabta wuu xidhiidhin jiray kana war hayn jiray imika se cidba ma yaqaan kii ka soo hor baxana waa kuma, ayuu yidhaahdaa. Islaantiisa wuu jeclaa imika se mooyi. Ubadkiisa wuu u naxariisan jiray isla markaana xanaanayn jiray imika se war iyo wacaal uma hayo. Shaqadiisa wuu ka adkaa imika se dan kama leh. Sidaas ayuu ahaa, hadda se sidan ayuu noqday. Wuxuu noqday wax ma-tare aan waxba ku filnayn. Wuxuu noqday ma naxe aan cidna u naxariisan. Wuxuu noqday qayral masuul aan reerkiisa xil iska saarin. Wuxuu noqday waalid-caasi ku xun waalidkiis. Wuxuu noqday qaraabo goys aan ehel iyo reer aqoon. Wuxuu noqday xayraan. Wuxuu noqday ma shaqayste kalidii noole ah. (Weedhsan.com) Waqtigiisa oo dhan isagaa qaba. Mar wuu raadiyaa, marna wuu raamsadaa, marna mirqaankiisa ayuu ka seexan waayaa. Saddexdaa xaaladood ayuu u dhaxeeyaa. Mustaqbal kama fikiro, reer kama fikiro, ubad kama fikiro, dad iyo dalna hadalkood daa. Maalintuu bilaabay ayaa sidan uu yahay ugu horraysay. Maalintaas ayaa nadaafad xumo ugu horraysay. Maalintaas ayaa cunno xumo ugu horraysay. Maalintaas ayaa calal xumo ugu horraysay. Maalintaas ayaa fikir la’aan ugu horraysay. Maalintaas ayaa ficil la’aan ugu horraysay. Maalintaas ayaa fadhi badnaan ugu horraysay. maalintaas ayaa dhaqaale xumo ugu horraysay. Maalintaas ayaa waallidan ugu horraysay. Maalintaas ayaa sidan uu yahayba ugu horraysay. (Qoraalkan waxa xuquuqdiisa leh mareegaha Weedhsan.com) Go’aanka Qaad cunista wuu ka qoomameeyaa haddana ma joojiyo. Naftiisa wuu canaantaa haddana waxba kuma qaato. Waayaha iyo dhibka uu qaadka ku qabo waa ogyahay haddana kama waantoobo. Sidaas uu yahay inuu nolosha ku dhammaysto ayuu damacsanyey. Inta uu dadka kale iyo carruurtiisa iyo ooridiisa maagayo ka badan ayuu naftiisa subaxii Alla soo koodaba hiifaa oo haaraamaa. Habeen kasta marka uu gam’i waayo go’aan ayuu goostaa, qaraarna wuu gaadhaa, inaanu qaadka dib ugu noqon. Laakiin markay duhurka gaadho ayuu haddana miyir beelaa oo uu noqdaa qof kale. Qof la qaatay! Markaas ayuu waallida mar kasta miistaa. Xaydaanbkaas caddaabta u eeg ayaa isaga, naftiisa iyo noloshiisuba ku wareegaan. Sidan iyo si dhaw toonna muu ahaan jirin. Se imika waa sidan. Sidaas ayuuna ahaan doonaa illaa goortuu Alle yidhaa. Muna Axmed Cumar Email: muna_gafaneh@hotmail.com
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|