|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkadda Telesom iyo Xukuumadda oo isku Maan-dhaafsan go’aankii wasaaradda Maaliyadda iyo Baanku ku dhawaaqeen
April 21, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa iska taagtay mawqif adag go’aan ay shalay wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe ku shaaciyeen In ZAAD-ka lagu isticmaali doono shilling Somaliland-ka, halkii lagaga Isticmaali jiray Dollarka. Go’aanka ay xukuumaddu ku dhawaaqday oo ay goob-joog ka ahaayeen madaxda Shirkadda Telesom ayaa la sheegayaa inay ahayd arrin lagu dabay shirkadda Telesom waxaanay taasi keentay inay ku dhalisay walaac la xidhiidha in lagu shirqoolay kulankii lagaga dhawaaqay in ZAAD-ka laga dhigo Somaliland shilling. Warar u dhuun daloola didmada shirkadda Telesom kaga shakiday go’aanka ayaa sheegaya in ay qaaday Olole ka dhan ah talaabadaas oo ay kula Gar-naqsanayso Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka, waxaanay wararka Hordhaca ahi sheegayaan inay kulan fool ka fool ah xalay la yeesheen wasiirka wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan. Kulanka ay la yeesheen wasiirka ayaa la soo warinayaa inay masuuliyiinta ugu saraysa shirkadda Telesom ugu bandhigeen inaanay go’aankaas waxba kala socon isla markaana shirkad ahaan aanay fulin Karin xilligan, maadaama aanay Talo ku lahayn sababta ZAAD-ka looga dhigayo in loo Isticmaalo Shilling Somaliland. Lama oga go’aanka ay ku kala tageen wasiir Samsam iyo Telesom, hase yeeshee waxa ay talaabadan Telesom ku doodaysaa u muuqataa mid qorshihii xukuumadda dabcinaysa maadaama ay ku doodayso inaanay inaan laga tashan. Ilo wareedyo u dhuun daloola cida ka danbaysay go’aanka ay Telesom ka dacwoonayso ayaa sheegaya in loo food saaraynayo masuuliyiinta Baanka Dhexe inay labada dhinac u kala sheekeeyeen isla markaana dhexdooda ka abuureen in la isku raacsan yahay in Elektaroonigu sabab u yahay Sicir bararka Sarrifka iyo Badeecadaha. Si kasta ha ahaatee haddii ay Telesom diido go’aankan waxay u muuqanaysaa in loolan adag iyo xurguf ganacsi dhex mari doonto shirkaddaha ka ganacsada xawaaladaha iyo Baanka Dhexe iyo wasaaradda Maaliyadda oo isku dhinac ah, taasina horseedi doonto sicir barar ka badan inta ay ka cabanayaan Dadweynuhu.
Related posts:DAAWO;-Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax Oo Khudbad Iyo Suugaan Dhinacyo Badan Taabanaysa Ujeediyay Sha... “Hadii Daad Socda Kusoo Galo Hamoodin In Uu Roob Da,ay Ee Waa Biyo Balaadhintii Hargaysa”Sh. Jaabir DAAWO; Safiirka Waddanka Denmark Ufadhiya Kenya Oo Soo Gaadhay Magaalada Hargaysa Iyo Wasiirka Arima... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|