Shirkada Somcable Oo Qarka U Saaran In Ay Lumiso Kalsoonida Shacabka Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Somcable Oo Qarka U Saaran In Ay Lumiso Kalsoonida Shacabka Somaliland.
April 25, 2015 - Written by Editor:

Iyadoo Dadwayanaha Jamhuuriyada Somaliland   iyo guud ahaan Ardayda Jamacadaha Dalka Shaqaalaha Xafiisyada Dawladu , Shirkadaha Ganacsiga iyo Saxaafaduba ay baahi wayn u qabaan adeega Isgaadhsiinta Internetka oo xawaarihiisu sareeyo, waxay u muqataa in walaacii uu  rumoobayo aragtidii iyo fikradihii ay qabeen Indheer GaradkII kasoo horjeeday  Kootada Shirkada Somcable loogu xidhay keenista xadhiga fibre optics iyadoo Aqalka Golaha Wakiilada laga xalaaleeyay  . xeerkan kootada loogu xidhay Shirkada Somcable, balse waxaa hubaala in wali qabyo badani jirto oo xadhig dhigistii iyadoo Shaqada Shirkada ee xidhiidhinta xadhigu  wada gaadhin Deegaanada Somaliland kooban tahay, sidoo kale xiligan aynu joogno oo Xukuumadii Madaxwayne Siilaanyo Shantii Sano ee la doortay ay Laba Bilood ka hadheen, waxaa goobaha lagu kulmo ee Magaalooyinka  Somaliland gaar ahaan Dayartu laysku waydiiyaa waxaa ilaa xiligan hortaagan ama caqabadaha  loo hirgalin iyo waxyaabaha sabobay ee dib udhaca ku keenay adeega fibre optics.

Shirkada Somcable ayaa u muuqata mid isku halayn badani ka muuqato si xoogana u aamintay xeerkan kootada loogu xidhay  iyadoo wax xidhiidha la samayn faafahina ka siin Bulsho waynta S/land oo walaac badan ka muujisay  dib u dhaca adeega Shirkada oo baahi wayn loo qabo.

Sidoo kale Shirkada Somcable ayaa laga  yaabaa hadii ay kusii socoto tabcaanimada iyo dib u dhaca adeegan laga sugayo waxaa hubaal ah in ay lumin doonto kalsoonida Shacabka iyo fursadan ay u heshay in dalka kooto loogu xidho.

somcable

Dhanka kale Sharci yaqaano aqoon u leh  Xeerarka Caalmaiga ah ee lagu kala xadeeyo Ganacsiga Shirkadaha waawayn ayaa tilmaamaya in hadii Shirkadaa Kontaraaga la siiyay ay noqoto mid hawl gaba oo adeegeedii dib u dhac ku yimaado  in Xeerarka Caalamiga ihi fasaxayaan in la gala noqdo kootadii loo xidhay fasaxna loo siiyo shirkada kale oo kula tartama keenista Somcable bulshadana   ufududeeya helida adeega Internetka  oo xawaarihiisu sareeyo baahidoodana daboola

Dhawaan ayay ahayd markii Shirkada Somcable ay bixisay adeegeeda oo Tijaabo ah laguna arkay Shaqsiyaad xidhiidh dhow lale Mulkiilaha Somcable kaasi oo u muuqda mid bulshada lagu dhalan habaabinayo cimri dhererna ay ka dhiganayso Shirkadu.

LA SOCO QORMOOYIN KALE OO  XANBAARSAN XOGAHA QORSOON EE MULKIILAHA SHIRKADA SOMCABLE KAGA MASHQUULAY SHAQADIISA

WAJAALE STAFF

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS