Shirkada Kobcinta Ganacsiga ee Africa House oo Hargeysa lagu daah furay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Kobcinta Ganacsiga ee Africa House oo Hargeysa lagu daah furay.
April 6, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Munaasibad si heer sare ah loosoo Agaasimay oo lagu qabtay Xarunta Africa House oo lagu daah furayey ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Warshadaha, Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga, Masuuliyiin ka kala socotay ganacsatada ay Gacanta Siiso Shirkadani, Gudoomiyaha Jaamacada Gollis iyo Marti sharaf kale.

wasiirka warshadaha shucayb

Africa House waa shirkad kobcisa Ganacsiyada Yar yar iyo kuwa Meel dhexaadka ah oo ay ka taageerto Qalabka, Macluumaadka, tobabarada iyo kala taling sidii ay Ganacsigooda uga midho dhalin lahaayeen Siday ay Sheegeen Masuuliyiinta Shirkadaasi waakan Khaalid Xasan Xaaji Warsame “Hay’adani waxay ka shaqaysaa 15 Wadan oo ay Dhalinyarada ku dhiiri galisaa oo ay ku taageertaa inay Hankooda ku socdaa oo ay samaystaan Figrad gacansi, waa wax fiican inaad waxa aad ku fiican tahay aad ku adkaysatid, u fikirtid oo aad xooga sii saartid taasi waa waxa aanu rabno inaanu dhalinyarada ku sii dhiiri galino, oo aanu si baalaadhan uga hawl galno” ayuu yidhi Khalid

Dhinaca kale khalid Xasan Xaaji  Warsame oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Shirkadan marka hore waxay ku timid in qurba joogta lagu taageero sidii ay Wadankooda u iman lahaayeen ee ay u maal gashan lahaayeen oo inta la taba baro la gacan qabto kadibna ay yimaadaan oo ay ka shaqaystaan, anaguna waxaanu isku daynay inaanaan qurba joogta uun xooga saarina dalka Gudihiisa ay dhalinyartu ka qayb qaataan Sababtaasi ayaanu xaruntan u furnay, waxaananu rajaynaynaa inaanu Jaamacada Gollis Xarun kale la Furno oo ardayda Jaamacada lagu dhiiri galinayo oo ay ardaydu iyagoo jaamacadii dhiganaya tijaabo ganacsi sii bilaabi karaan, waxaanu ku bilaabaynaa Sanadkan Gollis kadibna Jaamacadaha kale ee Dalka ayaanu la bilaabi doonaa” ayuu yidhi Khaalid.

Khalid oo Hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray “Kalmadan maanta aynu daah furayno ee AFRICA HOUSE waa incubator oo wuxuu ka yimid xaga caafimaadka waxaana weeyaan dhalada lagu koriyo ilmaha ku dhasha 7-da Bilood sidaasi oo kale Ayaanu shirkada markay yar yihiin ee ay Jilicsan yihiin ee la bilaabo waxay u baahan yihiin gacan qabasho iyo taageerid taasaanu ka shaqayndoonaa” ayuu ku soo gabo gabeeyey.

Dhinaca kale isaguna waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse waxaanu yidhi “Wadan walba waxaa Mustaqbalkiisa ah dhalinyarada weeyi kolba siday dhalinyaradu u fikirto ee ay dalkooda wax ugu qabtaan ee ay hal abuurnimo ula yimaadaan ayaa laga eegaa wadankaasi halka uu hiig sanayo iyo mustaqbalkiisa waxa nasiib wanaag ah in dhalinyarteenan wax baratay ee aqoonta leh dibad iyo gudaba ay maanta ka fikireen oo ay hindiseen xarun laga kobciyo sidii wadanka loo maal gashan lahaa ama talo laga siiyo meeshii laga duuli lahaa” ayuu yidhi Wasiirka Warshaduhu.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga ayaa isaguna halkaasi ka hadlay Waxaanu soo dhaweeyey Shirkadan isagoo ku amaanay waxqabadka ay sameeyeen isaga oo sheegay in dalka looga baahan yahay sidii loo kobcin laahaa Ganacsiyada soo koraya isagoo xusay inay waxa ugu wanaagsan ee la koriyo ay tahay Hanka bani aadamka.

Dhica kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Golis Prof Siciid Axmed oo Soo dhaweeyey khudbad aad u qiimo badana halkaasi ka jeediyey, dhinaca kale shirkadaha ay Gacan siiso Africa House ee ay kobciso ayaa ay masuuliyiintoodu madashaasi ka jeediyey khudbado la xidhiidha waxayaabaha ay kala kulmeen iyagoo ku amaanay siday ugu garabsiisay Ganacsigooda, shirkadahaasi oo ay ka mid yihiin NomadsWater, FAYO Foundation, SMATTH, THE CHEETAH GROUP, COLLERT CONSULTANCY,  Horn resource management, iyo Spark iyo ganacsato iyo aqoonyahan.

 

 

COMMENTS
LINKS