|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkad laga leeyahay Ingiriiska oo Shaacisay in dib-u-dhac ku yimi Hawlgal ay ka bilaabi lahayd somaliland
April 30, 2015 - Written by Editor:Shirkadaha shidaalka ee Sterling Energy PLC oo ka hadashay sababta dib-u-dhaca ku keentay hawlaha ay ka bilaabi lahaayeen Somaliland London (Wajaalenews)- Shirkad Laga leeyahay dalka Ingiriiska oo dhinaca shidaalka qaabilsan, ayaa shaacisay in hakad ku yimi hawlgal ay ka bilaabi lahayd dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay heshiis dhinaca baadhista shidaalka ah kula jirto. Qoraal ka soo baxay Shirkadda la yidhaah Sterling Energy PLC shalay oo nuqul ka mid ah wargeyska Jamhuuriyaarkay, ayaa lagu sheegay in shirkadaasi hawlo dhinaca ammaanka la xidhiidha sababeen in dib-u-dhac ku yimaad hawlgal shidaal sahamin ah oo ay ka bilaabi lahayd gudaha Somaliland. “Dib-u-dhac ayaa ku yimi hawlgalo aannu ka bilaabi lahayn Somaliland, kuwaasoo u joogsaday ilaa inta dawladda Somaliland samaynayso ciidammo si fiican u tababaran, una qalabaysan oo qaabilsan ilaalinta iyo ammaanka goobaha laga baadhayo shidaalka, iyadoo la doonayo in ciidankaasi (Somaliland Oilfield Protection Unit) ay sugaan ilaa xad heerka ammaan ee looga baahan yahay dhammaanba degaannada laga bilaabayo hawlaha sahaminta shidaalka.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Shirkadda Sterling. Waxa kaloo Shirkadda Ingiriiska ah sheegtay in Somaliland looga baahan yahay inay abuurto ciidan awood buuxda u leh inay sugaan hawlaha shidaal sahaminta ah ee laga bilaabayo gudaha degaannada Somaliland. Shirkadda Sterling Energy PLS, ayaa qorshuhu ahaa inay hawlo shidaal baadhis ah ka sameeyaan degaannada Oodweyne ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo shirkadaasi heshiis la gashay Somaliland sannado ka hor, balse aanay ilaa hadda wax tallaabo ah qaadin, waxayna ka dhursugaysaa inta la samaynayo ciidanka loogu talogalay inay ilaaliyaaan goobaha shidaalka iyo shirkadaha shidaalka baadhaya, kaasoo weli si buuxda loo diyaarin loona hawlgelin.
Related posts:DAAWO; Barnaamij Ku Saabsan Aaskii Marxuum Ganacsade Axmed Cabdilaahi Cali Oo Shalay Magaalada Harga... Chief Caaqil Shucayb Maxamed Maxamuud Oo Maanta Lagu Caleemo Saaray Deegaanka Goray Ee Gobolka Gabil... DAAWO;-Ugaas Cabdirasaaq Oo Faysal Cali Waraabe Ka Difaacay Eedo Loosoo Jeediyay, Gudoomiye Baashena... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|