Safarka Murashaxa Madaweyne ee Xisbiga UCID Aqoon Yahan Jamaal Cali Xuseen Guulo Waaweyn ayuu Xisbiga Uga Soo Hooyey Yurub iyo Ameerika. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safarka Murashaxa Madaweyne ee Xisbiga UCID Aqoon Yahan Jamaal Cali Xuseen Guulo Waaweyn ayuu Xisbiga Uga Soo Hooyey Yurub iyo Ameerika.
April 30, 2015 - Written by Editor:

Murashaxa xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen oo wakhtiyadii ugu danbeeyey ku sugnaa dalka dibadiisa,ayaa waxa uu xisbiga uu murashaxa ka yahay u soo hooyey guulo waaweyn oo iskugu jira dadkii reer Somaliland ee qurmaha oo fahmay xisbiga ay ku aamini karaan mustaqbalka dalkooda iyo cida gaadhsiin karta horumar iyo badhaadhi,safarka murashaxa ee uu ku tegay dalal badan oo ka tirsan qaaradda yurub iyo ameerika ayaa waxay xisbiga u soo hoysan guulo waaweyn oo dhinacyo badan leh,marka la eego taageerayaasha tirade badan eek u soo biiray xisbiga iyo sida meel kasta looga soo dhaweynayo murashaxa ayaa waxay keentay in uu xisbiga UCID noqdo xisbiga ugu taageerada badan marka laga hadlayo qaaradaha yurub iyo ameerika,waxaa xusid mudan in dhamaan dadka reer Somaliland ay meel kasta oo ay joogeen la socdeen soo dhaweynihii ugu balaadhnaa ee uu helo masuul ka tirsan Somaliland in uu Jamaal Cali Xuseen ka helay dalalkii uu safarka ku marayey,waxay ka sinaayeen shacabkii reer Somaliland ee dalalka qaaradda yurub  iyo ameerika sida ay ugu riyaaqsanaayeen xisbiga UCID iyo murashaxa Aqoon yahanka ah, ee u taagan in uu ka qayb galo tartanka doorashada ee la filanyo inay dalka ka dhacdo sanadka 2016-ka bisha juun,taageeryaashii ugu tirade badnaa ayaa ku soo biiray xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID,mudadii uu Jamaal Cali Xuseen safarka ku marayey qaaradaha Yurub iyo Ameerika,waxa gobolada iyo meelaha kale ee muhiimka ah laga durayey xarumaha xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelku ku yeelanayo,waxa uu xisbigu magaalo kasta iyo wadan kasta hada ku leyahay taageerayaasha ugu tirade badan qaaardaha Yurub iyo Ameerika.

Safarka uu murashaxa Madaxweynaha ee XIsbiga UCID ku maraayo qaaradaha Yurub iyo Ameerika ayaa waxa la odhan karaa waa ISHII BUKTAAY KU BIDHAANSO,waa safar taariikhi ah,oo xisbiga UCID ugu fadhiyo ahmiyad weyn,waayo waxa uu helay xisbigii UCID dad cusub iyo dhiig cusub oo doonaya inay wakhtiga casriga ah ee lagu jiro inay  arkaan xisbi la jaan qaadi karaya iyo xisbigii oo noqday xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID,dadka qurubuhu waxay garanayaa runta marka la eego faa’iidada aqoonta iyo waxa laga dhaxlo,weliba iyadoo tartanka doorashada dhaw ee sanadkan danbe uu xisbiga UCID nasiib u helay in uu u tartamo Aqoon yahanka Jamaal Cali Xuseen oo ah,nin aqoon yahan ah oo weliba dhinaca dhaqaalaha ku talax-tegay oo dalkeenan yare e saboolnimada iyo faqrigu daashadeen wax badan ayuu ka qaban karaa Aqoon yahanku,iyadoo umadda somliland maanta ay xasuusan tahay halka uu marayo dalkii Somaliland iyo dadka wax magaratada ah ee uu u gacan galay dalkii,maanta Somaliland ma jirto cid u maqan iyo ceel u qodan midna aan ahayn xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID,maanta dalkii wuxuu marayaa meel xun oo hantidii umadda ayaa la boobayaa,cadaaladii ayaa dhimatay,sharcigii ayaa la iska laabay,qabyaaladii ayaa shaqeyanysa,eexdii iyo qaraaabakiilkii yaa faraha ka baxay,meel xun ayuu akhriste maanta dalkeenii marayaa ,waxana loo baahan yahay in dhamaan umadda Somaliland inta ay wanaagsa ka fikirto gacmaha is wada qabsato,oo ay wanaaga u hiiliso.

Marka la eego sida shacabka reer Somaliland ugu baahan yahay hogaamiye wanaagsan oo dadka iyo dalkaba horumar u keeni karaa ayaa waxay umaddu sugaysa in maalinta codeynta la gaadho oo six or iyo xalaal ah,doorasho u dhacdo si ay fartooda ugu ciil baxaan oo ay ugu codeeyaa cida horumarka gaadhiisn karta ,cida aqoonteedii leh, ee aduunka ka soo shaqeysay ee la garanayo,cida dhaqaalah liita ee godka u dhacay ee Somaliland soo kicin karta,cida siyaasadda casriga ah ee aduunka la jaan qaadi karta,cida umadda aan danbi ka gelin,cida aan xoolihii umadda boobin oo aan xaq-daro ku cunin,cida aan ku soo fashilmin hogaamin hore ,umadu qof waxaasi oo dhan ka madhan oo nadiif ah ayey u baahan tahay,waana sida uu gartay xisbiga UCID ee uu murashaxa uga dhigtay nin mushkialdahaasi oo dhan umadda ka saari kara insha Alla.

La Soco Qaybaha Danbe

Qalinkii: Cali Maxamed

Email:cali10@hotmail.com

 

COMMENTS
LINKS