|
|||||
WAJAALE NEWS
Qoysas Danyar aH Ee Degan Xaafada Shacabka Iyo Ehelada Mulkiilaha Dhidar Shop Baaq Cabasho Ah Udiray Madaxwaynaha Siilaanyo, Boobka Lagu Hayo Dhulka ay Degan Yihiin +SAWIRO
April 23, 2015 - Written by Wariye:Hargaysa (Wajaalenews):- dadka danyarta ah ee dagan xaafada shacabka gaar ahaan agagaarka sheekh bilise ee magaalada hargaysa ayaa baaq u diray madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siraanyo ) Cabasho ka jirta dhulka ay daganyihiin awgeed.
dadkan daryarta oo ka cabanayay gabadh ay sheegeen inay dibada ka timiday oo dhulkooda ku haysata una adeegsanaysa ciidamada police ka dadkan danyarta oo isku jira qaar kamida mujahidiintii dalka u soo halgamay una huray naftooda dadkan oo ah qoysas denyara oo iska dhibataysan una baahan in la taakuleeyo. ugu horayntii waxa ka hadlay MUJ Daa,uud Maxamed Cabdilahi (Da,ud Baqanyo) oo ka warbixiyay taariikhdii ay soo dageen dhulka lagu haysto sidoo kalena sheegay caruurtii uu ku dhalay ay haatan ay xaasas leeyihiin. waxa kale oo uu intaasi ku daray inay xidh-xidhanyihiiN qaar kamida qoyskiisa maxkamduna sharci daro ku xukuntay dadkan xidhan ayaa isku jira caruur yar yar oo dugsiyada dhigta iyo waliba dad Gnacsato ah . muj daa,uud ooo kamid ahaa mujaahidiintii u soo halgamay wadanka wali haatana ka tirsan ciimada qaran ka jamhuuriyada somaliland, waxa intaasi ku daray gabadhan qurbe-jooga ah ee ku haysata meesha ay daganyihiin oo ugu horayntii iibsatay meel ku dhow meesha ay daganyihiin haatana ku haysata halkii ay daganayeen.
Geesta kalena waxa isna dhankiisa ka hadlay maxamed cabdilahi habane(Qojabe) oo ah odeyaasha xaafadan sheekh bilise oo sheegay inuu ka murugaysan yahay dhibaatada lagu hayo qoysaskan danyarta ah waxanu sharaxaad ka bixiyay taarikhdii ay soo dageen oo ahayd 1991 kii markii dalka la xoreeyay ilaa haatana degan sidoo kalena waxa uu sheegay in meesha dulmi wayni ka socdo isaga oona xukuumada ugu baaqay inay wax ka qabto oo dadkan la dulmiyay u hiiliso una garaarto . Sidoo kalena waxa ka hadlay masuuliyiinta xaafadan sheekh bilise oo goobtaasi warbahinta kula hadlayay dulmiga lagu dhibaato loo gaysto habeenkii marka ay seexdan oo ciidamo loo soo diro iyaga oo baadhaya guryaha ay deganyihiin cabsina ku abuuraya caruurta ku dhaqan danyarta ah ee sheekh bilise ee magaalada hargaysa. ayaa waxay ay baaq u diray madaxwaynaha somaliland kana codsaday inuu wax ka qabto cadaalad darada lagu hayo qoysaska danyarta ah ee ku nool xafadan sheekh bilise.
Ugu dambayntiina waxa ka hadlay Hooyo Safiya Xirsi ayaa si qiirale uga hadashay dhibaatada joogtada ah ee ay ku hayso gabadh qurbe-joog ah oo ay magaceeda ku sheegtay muuna maxamuud (dhool dahable) waxayna intaasi raacisay inay dhulkii ay dagan yihiin xoog kaga qaadayso hooyo Safiya Xirsi oo ka mid ahayd dumarkii mujaahidiinta snm caawin jiray sidoo kalena ka mid ahayd dadkii sida wayn ugu ololayn jiray wakhtigii doorashada madaxtooyada somaliland oo ay sheegtay inay tidhi : “Kun Hadaanu Hayn Kulmiyaanu Nahay ” waxa kale oo ay intaasi ku dartay in wali haatana ay sidii tageradeeda u hayso madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siraanyo) kana cadsanaysa in ay cabashadeeda waxa ka qabto cadaaladna ay hesho Guntii iyo dadka danyarta ah ee ku nool xaafada sheekh bilise iyo masuuliyiinta meherda Dhidar Supermarket $ store ayaan xukumada ka codsanaya inay sida ugu dhakhaha badan ay wax ugu qabtaan dulmiga lagu hayo . Dhawaan ayay ahayd markii shan qof oo kamida xaafada kuna jiro mulkiilaha tukaanka dhidar shop loo xukumay si sharciga baalmarsan iyadoo lagu xukumay min sanad iyo lixbilood oo xadhiga xaalada ka taagan xaafada ay dagan yihiin dadka danyarta ahi ayaa waxaa ka taagan arin u baahan in madaxwayne siilaanyo hoos u eego taasi oo sobobi karta in meesha si beelaysan layskugu colaadsado bulsho walaalo ahi ku kala fogaato
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|