Nuxurka Qoraalo Ay Is Dhaafsadeen Golaha Wakilada Sonmaliland Iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka Iyo Balanta 21 Bishan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Qoraalo Ay Is Dhaafsadeen Golaha Wakilada Sonmaliland Iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka Iyo Balanta 21 Bishan
April 7, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)-Golaha wakilada Somaliland iyo Gudidda Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa is dhaafsaday   qoraalo kala duwan,waxaan ugu horayn fariinta qoraal ah diray Golaha wakilada Somaliland ,taas oo nuxurkeedu ahaa inay 6 bishan afraad oo shalay ku beegnay komishanka Qaranku horyimadaan Golaha wakilada Somaliland si ay uga warbixiyaan halka ay wax u marayaan, isla markan su’aalo lagu weydiiyo.

Geesta kalene Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ka soo falceliyey waraaqdii Golaha wakilada Somaliland uga timi ,iyagoo soo qoray waraaq jawaab celin ah oo nuxurkeedu ahaa codsi ay Golaha wakiilada kaga codsanayaan in 2 todobaad dib loogu dhigo oo ay laba asbuuc ka dib golaha hor iman doonaan halkii ay ahayd inay shalay yimadaan komishanku Wakiilada .

Gunaanada Golaha wakilada Somaliland,ayaa isla shalay ka jawaabay warqadii Codsiga xanbaarsanayd ee ugu timi gudida doorashooyinka Qaranka, nuxurka warqada Goluhu shalay u soo diray komishanka ayaa nuxurkeedu ahaa inay 21 bishan komishanku horyimadaan golaha wakilada somliland

COMMENTS
LINKS