Nuxurka Qoraal Hay’ado Caalami ahi Dawladda Kenya Kaga Codsadeen Inay Qaaddo Xayiraadda Xawaaladaha Soomaalida | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Qoraal Hay’ado Caalami ahi Dawladda Kenya Kaga Codsadeen Inay Qaaddo Xayiraadda Xawaaladaha Soomaalida
April 10, 2015 - Written by Editor:

Kenya:(Wajaalenews)-Qaar kamid ah Hay’adaha Samafalka Caalamiga ah, ayaa Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen ku sheegay baaq ay Kenya ugu jeedinayaan inay ka Noqoto Xayiraadda ay saartay Xawaaladaha soomaalidu ku leedahay Dalkaas.

haayado 11

Hay’adaha bayaankan soo saaray oo ay ku jiraan Oxfam, CARE, Mercy Corps, Adeso iyo World Vision Somalia ayaa waxaa ay ku sheegeen in Soomaali badan ay luminayaan qeyb ahaan noloshooda maadaama ay ku nool yihiin lacag dibada looga soo diro oo xawaaladaha loo soo marsiiyo.

“Qoysaska Soomaaliyeed ayaa ku nool lacagaha xawaladaha loogu soo diro waxaana ay arrintan ku noqonaysaa culays weyn markaa waa in dawlada Kenya ay xanibaada ka qaadaa xawaaladaha” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay hay’adaha samafalka oo lagu qoray wakaaladda wararka Reuters.

Sidoo kale hay’ado kale ayaa iyana u jeediyay dawlada Kenya inay dib u fasaxdo shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ee dalkaasi ka howlgala.

Xukuumadda Nairobi ayaa todobaadkan xanibtay shaqadii ay hayeen in ka badan 10 xawaaladood oo Soomaali leeyihiin iyo kootoonyin ay leeyihiin ganacsato iyo culumo Soomaaliyeed waxaana ay dawlada Kenya ku sababaysay in shirkadahaas ay xidhiidh la leeyihiin Xarakadda Al-Shaba

COMMENTS
LINKS