Midawga Yurub Oo Isku Raacay Qorsheyaal Talaabo Militari Ka Mid Tahay Oo Tahriibeyaasha Lagu Xakamaynayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Midawga Yurub Oo Isku Raacay Qorsheyaal Talaabo Militari Ka Mid Tahay Oo Tahriibeyaasha Lagu Xakamaynayo
April 24, 2015 - Written by Editor:

Brussels(Wajaalenews) -Waddamada Midawga Yurub, ayaa go’aamo ka soo saaray shir ku aadan waxka qabashada Muhaajiriinta Yurub soo galaya iyo badbaadinta kuwa Badda ku dhinta. Kulanka hogaamiyeyaasha Midawga Yurub Khamiistii ku yeesheen Brussels, ayaa laga soo saaray go’aamo ay ka mid yihiin in talaabo Militari laga qaado dadka soo tahriibiya Muhaajiriinta Yurub beegsanaya.

midowga yurub 22

 

 

Dhawaaqa ugu dheer ee laga dareemayo Qorshaha Yurub ayaa ah in la helo talaabo Militari oo lagu burburiyo shabakaddaha wax tahriibiya iyo doomaha ay dadka ku tahriibiyaan ee yaala Dekeddaha Libya, si looga hor tago in cid tahriibaysaa badda soo gasho.

Madaxweynaha waddanka Faransiiska, Francois Hollande, ayaa sheegay inay qorshayn doonaan qaraar loo gudbiyo Qaramada midoobay oo lagu ogolaanayo in talaabo Militari laga qaado dadka wax tahriibiya ee Libya ku sugan iyo qalabka ay isticmaaleen ee Doonyuhu ugu horeeyaan.

Madaxda EU-da ayaa sidoo kale isku raacday in la laban laabo dedaalada lagu badbaadinayo dadka ku dhinta Badda Libya iyo Talyaaniga u dhexaysa. Waxay balan qaadeen inay saddex jibaarayaan Lacagta ku baxda hawlgalka lagu badbaadinayo dadka.

Wadamada Yurub ayaa sidoo kale qaarkood ku tabaruceen diyaaraddaha qumaatiga u kaca iyo Maraakiib ka qayb qaata hawlgalka lagu badbaadinaya dadka Badda ku dhimanaya.

Arrintan ayaa timid kadib markii saddexdii todobaad ee u dambeeyay badda ay ku dhinteen dad gaadhaya 1,300 Muhaajiriin ah. Waxaa sidoo kale la badbaadiyay ama soo galay Yurub ilaa 15000 Qof.

 

COMMENTS
LINKS