Maxaa Sababay Xil Ka Qaadista Gudoomiyaha Maxkamada Sare? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Sababay Xil Ka Qaadista Gudoomiyaha Maxkamada Sare?
April 19, 2015 - Written by Editor:

Nolashana Tafdeediyo, Nin Tunkeeda Daawaday, Dhabta Taal Kasheediyo

Runta Wuu takooraa. Ha Tiiftiifin Noolaha.  Ha Ku Tuman Asaagaa, Ha Tan Dhaafin Digashada. Hadba Hadal Tudhaala Ah, Tiiqtiiqsi Ha U Odhan…Xassan Daahir(Weedhsme)

Hargaysa: (Wajaalenews)- Haddii aynu isku dayno in aynu korka xaadi ku dul marno sababaha ugu waaweyn ee sahayatay Gudoomiyihii Maxkamada Sare Yuusuf Ismaaciil,waxa uu Ahaa shaqsi kudhaqanka Caddaaladu aanu Habeena u hoyan,meelna usoomarin.hadii aynu wax ka taabano caddaalad darrada Badheedhka ah ee uu ku kacay waxaa jirtay waxtigii uu looyarka ahaa ee uu ku shaqaysanayay Mihnada qareenimada Dacwado uu gacanta ku hayey oo uu u doodayey xaqa ka maqan isaga oo adeegsanaya aqoontiidsa sharci ayaa marlabaad waxaa soo maray isla dacwadii uu wakhtigaa gacanta ku hayey isla markaan uu marlabaad ka garnaqay isaga oo gudoomiyaha maxkamada sare ah.

Yuusuf ismaaciil waxa uu si dadban uga faa’iidaysan jiray xilka uu qaranka u hayo.tusaale ahaan Maxkamdaha gobalada iyo Degmooyinka Qaarkood Waxa uu ka kireeyey Gaadiid uu isagu leeyahay oo uu Kiradooda u xaadiro Bishii.Beenaale Markhaatigiisuu Fogeeyaaye,shalay ayey ahayd markii waaxda cashuuraha Barigu xidhay Gaadhi uu saarnaa Gudoomiyaha Maxkabada G/D/Gabiley,oo uu leeyahay Gudomiyihii maxkamada sare.taasi waa saleelee waxaa jira malaayiin maati ah oo muwaadinii ah tacadiga uu kula kacay waxaad maalin walba maqashaa dad cabanaya oo tv-yada hortaagan.sikastaba ha ahaatee Talaabadan uu Madax weyne siiraano Qaaday ayaa ah Mid Geesinimo oo umaddu uga fadhidey waxaana la odhan karaa waxa uu hirgaliye Balan qaadyadii ay bulshadu ku Dooratay.

 

 

COMMENTS
LINKS