Maxaa Sababay Dagaalka Joogtada Ah Ee Haweenka Madaxtooyaddu Ku Hayaan Marwo Faadumo Siciid? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Sababay Dagaalka Joogtada Ah Ee Haweenka Madaxtooyaddu Ku Hayaan Marwo Faadumo Siciid?
April 9, 2015 - Written by Editor:

Laga soo bilaabo ilaayo muddaadi ay iska casishay xilkii Hay”ada Qaramada Midoobay uga haysa UNDP Faadumo siciid  Waxa isaa-soo taraaya Ficil-tan qaarka mid ah Haweenka Somaliland ee Siyaasadda Ku jiraa ka dhexeeyaa. Kuwaaso laga dhex-dareemo Hadalka haynta Bulshada dhex-deeda. Haweenkaas aynu soo sheegnay waxa ay ku kala afkaar duwaan yihiin siyaasadda Dalka, iyagoo kala aamiin-san waxa loogu yeedho fikirada Dimu-quraadiga ah.

Hadaba Faadumo siciid waa marwo Muddo badan wakhtigeedda iyo maal-keedaba usoo hurtay Somaliland, waxana lagu tiraaya dadka intaa badan lexe-jecladdu ka hayso Jiritaanka ama Qadiyadda Somaliland-nimaddu. Sidoo kale, waxay ay ka mid tahay Haweenka siyaasadda saameynta ku leh. Waxanay hada ka mid tahay ama ay ku jirtaa mid ka mid ah saddexda Xisbi Qaran ee Dalka. Gaar ahaanna Xisbiga Wadani oo ka mid ah Xisbiyadda saameynta badan ku leh dalka.

Marwo Faadumo Hore waxay uga mid ahayd Xisbiga Ucid ee isna Mucaaridka ah. Iyadoo Muddo kadibna ka Baxday  gashayna Xisbiga kale ee Mucaaridka ah. Dhinaca kale, waxa jiraa Haween kale, oo iyana ku jiraa Xisbiga Kulmiye ee tallada Dalka hayaa. Kuwaas oo intaa badan aan lahayn siyaasad ay Taageero kaga hellaan ama ku kas badan shacbiyada Badan.  Waxan la arkaa iyo ka Xun Taageero ay inta badan dheer tahay Marwo Faadumo Siciid Haweenka siyaasadda Ku jiraa, sidoo kale, waxa la arkaa Haweenka ka tirsan Xisbul xaakimka Kulmiye oo Faggaareyaal ka fa-lagaadeynayaa Marwo Faado Siciid oo la mid ah. Waxa kale, oo intaas dheer oo Caaddo ka noqotay Haweenka Kulmiye inay Warbaahinta ay maamullaan mar walba ka caayan Haweenay dhigoodda ah balse kakarti badan waa sidaa ay aamin-san yihiin Bulshadiyee.

Warbaahinta ay  Maamulaan Haweenka Qasriggu waxay mar walba shaqo ka dhigteen inay caayan ama af-laadeeyan Faadumo Siciid oo aan soo sheegnay inay ka taageero badatay. Taas iyagoo ka duullaaya waxay dan moodaan inay fadeexad aanay shaqo iyo shuqul midna ku lahayn mar-maariyaan marwo Faadumo Siciid.

Waxaynu hore uu ugayn inay Xukuumadda siilaanyo Haweenka tallada la lehii inay Kooxd Budhcad ah uu direen Facebooka marwo Faadumo oo ay jabsadeen. waxa kale oo iyana lama ilaawan ah inay Video ka dhex-gooyeen sawiir Photo Group kaas oo dhowaan ar dayda Jaamacadda Hop qalin jabineysay  ka soo saareen fadeexad. Dhacdaadas oo iyana noqotay mid ka fog Diinteenna islaamka iyo Dhaqanka Soomaalida labadaba.

Tallaabadaasi waxa si cad loola xidhiidhiyaa inay ka danbeeyen Wasiirada Maaliyadda Marwo samsam Cabdi Aadan. Oo sidaa la sheegay sawiirka lagu Baahiyey shabakadda Halbeeg uu Dirtay, iyadoo Geesta kalena ay Gacan ku lahayn Marwada Qaranku. Sidaasna ay lacag kaga qaaden Qoloda Fawaaxishka ka shaqeysaa ee Halbeeg.

Waxan shaki ku jirin inay

COMMENTS
LINKS