Masiibada Ku Habsatay Shacabka Somaliland Ee Xukuumaddu Xakamayn Kari Wayday Sidee Xididka Loogu Saari Karaa? Qalinkii Mawliid Axmed Jibriil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masiibada Ku Habsatay Shacabka Somaliland Ee Xukuumaddu Xakamayn Kari Wayday Sidee Xididka Loogu Saari Karaa? Qalinkii Mawliid Axmed Jibriil
April 7, 2015 - Written by Editor:

“Waalidiinta s/land oo qaarkood kalyahooda iibinayaan”

Waagii baryaba waxaad la kulmaysaa Waalid warwarsan oo murugo wajigiisa ka muuqato,hadaad waydiiso waalidka maxaa kugu dhacay? saddex masiibo oo laga naxo midkood ayay kuu sheegayan, sida ilmahaygii ayaa iga Tahriibay, Magafaa haysda iyo Wuu dhintay.!

Sidaa darteed, Waalidku awood malaha ay saddexdan arrimood ay kaga hortagaan, laakiin, waxa kaliya oo la gudboon in ilmaha ka daba ordaan haday gaadhan iyo haday gaadhi waayaanba, Nafi orad bay kugu aamintaa, ama magafaha waa in ilmaha laga badbaadiyo waa in dhaqaale loo baadi doonaa dhaqaalahaasi oo dhan $5000 shan kun oo Dollar marka magafaha lacagta la siiyo waxa hadhay laba kun oo Dollar oo doontii moodka lagu saarayay,waalidkii dhaqaale kuma hadhin hadana waxay sugayaan dhawaaqii geerida ilmaha.

Intaa ka dib, Hadaynu is-waydiino maxaa u sababa dhalinyarada tahriibaysa ee waalidkii xakamayn kari wayay ? jawaabtu waxa weeyaan waxa u sabab u ah kooxo maafiyo ah oo isku xidhan gudaha Somaliland iyo dibada dhaqaale fara baddana ku helay tahriibta.

Sidoo kale, waxa maafiyada u suurto-gashay in dhalinyarada sii maalgaliyaan oo waalidkii dhalay dhalinyaradu ay ka maarmaan dhalinyaradu ilaa magafaha wayn gacanta loo galiyo.

Sidaa darteed, xukumadu waxay qaadatay go,aan aan lagu joojin karin tahriibta waa,ayo waxay heegan galisay booliiska kantarolada iyo booliiska magaalooyinka xadadka ku yaal in ay qabtaan wixii dhalinyaro ee iska socda iyo dawlada itoobiya in ay qabato wixii dhalinyaro ah ee tahriibaya ayay kula heshiisay laakiin arintan tahriibtii kumay joogsan ee waa ka sii khatar badatay waqtiyadii hore xarunta ogu ee tahriibtu waxay ahayd wajaale hadase markii jidka itoobiya la mari kari waayay dawlada degaanka soomaalida itoobiya waxa loo wareegay boorama oo inta dhalinyarada lagu ururiyo ayaa habeen madaw inta baabuur lagu qaado lagu dejiyaa meel u dhaw magaalada xariirad halkaa rag ayaa jooga dhalinyarada u lugaysiiya ilaa diridhaba haday ciidan iyo wax arkaan way ka baxsadaan sidoo kale waxa hada la maraa Harta shaakh waxa kale oo mucjiso yaaba noqatay Tahriibayaashii waxa dhawaan laga dhoofiyay Garoonka igal international ilaa khartuun waxan la yaabay wasiirkii Faanka badnaa muxuu wax oga qaban waayay mise qaybuu ka ahaa Tahriibta mise waxa ku dhacay tabaha maafiyadu xukumadu ku xakamayn kari wayday?.

Sidaa darteed, go,aankan xukumadu ay ku xalisay tahriibta maaha mid wax ka qabanaya kolka la soo qabto hadana way noqdaan, cudurkan dhalinyarada ku dhacay daawo looma helaayo ilaa kuwa abaabula ee gudaha jooga talaabo culus laga qaadayo oo cid gaara oo la dagaalanto loo sameeyo.

intaa ka sakaw. Madaxweyne waxaan kuu soo bandhigayaa Talaal dhalinyarada tahriibaysa lagu joojinayo karo waa arin aan mudo mudo dheer ka soo shaqeeyay oo waqti badan aan galiyay sida masiibadan daawo loogu heli lahaa, m/wayne daawada wax wayn lagaga qaban karaa arintan . kaw waa adigoo magacaaba hayad magaceeda la yidhaa, Hayada ka hor taga tahriibta ,

hayadan waxay noqanaysaa hayad nafta dhalinyarada lagu badbaadinayo oo daba gal balaadhan ku samayn karta kooxahan maafiyada ah ee caasimada kula jooga ee aqalo kuleh dhalinyarada lagu ururiyo.

Mudane Madaxweyne hadad talaalkan iga aqbasho oo cid aqoonteeda iyo kartideeda leh aad u magacawdo mudo yar oo kooban ayay arintani isku taagaysaa laakiin inta cidii hawsha waday wax laga qaban ee dhalinyarada la qabqabanayo waa gacmo daalis ee cudurka hala helo markaa ayaa talaalkani shaqaynayaa oo waalidku warwarka ka bixi doonaa, adiguna waqtigii ololaha waxad ku olalaysay tahriibta in aad wax ka qaban doonto, taasina may dhicin ee olalahagii si uu u rumoobo hayadan macaw.

Hadadse ka gaabiso aafada tahriibta wax ka qabashadeeda wax run noqanaya m/waynuhu aafada tahriibta waxa ogu gol leeyahay in shacbiga ku mashquuliyo si uu dhaqaale burbur ogu dhaco oo loo xukumi karo. ogawn kuwa Haadku saxaaraha ku cunayo iyo kuwa Hudheelada w/wayn loogu tumayo adigaa ka wad masuula oo if iyo aakhiraba lagula xisaabtami doonaa.

Waaladiintii qaarbaa soo bandhigay in Kalyahooda u iibiyaan ilmaha magafuhu ka haysdo oo la filayaa kuwa dhaqaalaha faraha badan haysda ee ku mabay bara bixinta dan yarta in kalyaha ka sii bixiyaan la cag si haday ogu baahdaan hadhaw ogala baxan ee ayan arintu kula fududaan.

Xaalka tahriibtu meel adag ayuu marayaa , akhristayaasha waxan ka codsanayaa in ay arintan igu taageeraan waxna ku kordhiyaan laakiin aanay ka aamusin.

 

ALAA mahadleh

Mawliid-Axmed-Jibriil

E-mail: xaqsheeg@hotmail.com

COMMENTS
LINKS