Marwo Faadumo Siciid: Haween Lama Gudboonoo Iyadu Gooni Bay ka Tahay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marwo Faadumo Siciid: Haween Lama Gudboonoo Iyadu Gooni Bay ka Tahay
April 18, 2015 - Written by Editor:

Waa hal-doorka haweenka reer Somaliland haddii ay noqoto dhinacyadda, kartidda, aqoonta,  ka qayb qaadashadda horumarinta bulshadda, waa shaqsiyad ku caan baxday  in ay markasta si daacadnimo ah ugu adeegto bulshadeedda.

Waa  Qorax Ifaysa oo soo baxaday!! waa Dayax shan iyo tobnaad oo mugiisii bu uxsaday!! Waa shaqsiyad ku sifowdey howl karnimo iyo karti buuxda Wa shaqsiyad ku amanan me esha ay wax ka qabanaso amaba habka iyo hananka ay wax u wado Waa shaqsiyad ixtiraam iyo ti x galin aan u hayo aniga iyo inta ila faca ah ee igula jirta group ka ay heeganka ugu jirto hadii aanu nahay bahda dhalinyarad Somaliland oo dhan..

Waa shaqsiyad ku sifowdey sida ay ugu cad cadah ay amaba ay uga dhex muuqadato bulshadadeeda iyada oo la qaybsanaysa dareenada ku xeeraan amaba hadba halka ugu daran ee ay waxa ugu haboon kala qaban kart, o waa shaqsiyad koobsatay dhamaanba arrimahaasi aan  soo sheegnay iyo  weliba kuwo kale  oo aan halkan lagu soo wada   kobi Karin, isla markaana aan qarsoonayn oo u sida cadceedda u muuqda qofkasta oo caqligiisu shaqaynayaana uu qirayo kana  marag kacayo.

Marwo  Faadumo Siciid Ibraahim, waxay  safka hore kaga jirtaa   haweenka Foolaadka ee u banbaxay sidii ay umadeedda uga shaqayn lahayd, iyadoo mar kasta danaheeda gaarka ah ka hor marisa danta guud iyo wax u qabashadda dadka reer Somaliland ee jilicsan.

Faadumo, oo hadda ah Xoghayaha Maaliyada Xisbiga Ucid Marwo Faadumo Siciid Ibraahin, waxay ka mid tahay shaqsiyaadka farro ku tiriska ah ee safka hore kaga jira  dadka aqoonta leh ee  sida hagar la’aanta ah uga qayb qaata, uguna shaqaysa sidii wax ugu qaban lahayd   bulshadda.

Waxay ka mid tahay dadka ugu kartida badan, ee dedaalka iyo naf-hurka u galay sidii ay dalkeedda iyo dadkeedaba wax ugu qaban lahayd. Iyadoo mudadda ay Somaliland jirtayna  si weyn uga qab qaadatay mashaariic kala duwan oo dalka laga   hirgeliyay, kuwaasi oo ah  waxyaabo aad u qiimo badan   oo aad loogu xasuusan doono, isla markaana aanay umaddu marnaba ilaawi doonin.

Wax-qabadka aadka u badan iyo mashaariicda kala duwan ee la xidhiidha dhinaca horumarinta bulshadda ee ay Marwo Faadumo Siciid, dalka ka hirgelisay oo ah kuwo aan la soo koobi Karin, waxaa ka mid ah  aasaaska xarunta ODXA oo ka shaqaysa  daryeelka arrimaha bulshadda, xabsiga u gaarka ah carruurta aan weli qaan-gaadhka ahayn ee danbiyadda culus gala oo ku yaalla magaaladda Mandheera ee gobolka Saaxil.

 

 

 

Waxyaabaha kale ee ay sida weyn uga qayb qaadatay Faadumo, waxaa ka mid ah in ay  iyadu lahayd fikradii lagu abuuray in dumar lagu soo daro ciidamadda Booliska gaar ahaana kuwa loo yaqaano asluubta.

Taasi  oo u jeedadda ugu muhiimsan ee ay ka danbaysay ay tahay in   marka  tacadiyo ama danbiyo lagula kaco haweenka aanaydumarku si buuxda ugu wada sheegi Karin sida ay wax u dhaceen, iyadoo arrimahaasi ka duulaysa waxay qofkii ka danbeeyay in dumar lagu daro booliska, sanadkii 2004. Markaasi oo ay marwo Faadumo Siciid ahayd madaxa hay’adda UNDP ee Somaliland.

marwo  Faadumo, ayaa waxay door aad u muhiim ah kaga jirtaa dadka aqoonta leh  gaar ahaan dumarka ee hadh iyo habeenba heeganka u ah sidii ay wax ugu qaban lahayd umadeedda. Iyadoo kaalin lama ilaawaan ah kaga jirta dadka inta badan ku mashquulsan wax u qabashadda  iyo u adeegista umadda.

qoraal mid iyo laba laguma soo koobi karro kaalinta wax ku oolka iyo doorka muuqda, sharafta iyo karaamadda ay   marwo Faadumo Siciid ku dhex leedahay bulshadda, waxaana hubaal ah in taariikhdu xusi doonto, iyadoo weliba safka hore ama bogaga hore ka geli doonta dadka sida hagar la’aanta ah ugu soo tabcay in ay dalka iyo dadkaba horumar iyo taageero dhinac walba leh la garab taagnaadaan.

waxaanay  muddo badan wakhtigeedda iyo maal-keedaba u soo hurtay Somaliland, waxana lagu tiriyaa dadka inta  badan lexe-jecladdu ka hayso Jiritaanka ama Qadiyadda Somaliland-nimaddu. Sidoo kale, waxay ay ka mid tahay Haweenka siyaasadda saameynta ku leh.  Waxanay hada ka mid tahay ama ay ku jirtaa mid ka mid ah saddexda Xisbi Qaran ee Dalka. Gaar ahaanna Xisbiga Waddani oo ka mid ah Xisbiyadda saameynta badan ku leh dalka.

Marwo Faadumo Saciid Ibraahim waa marwo ka soo if baxday runtii inta la qayrkaa amaba ay isku jiilaka yahiin taa macnaheedu maahan in hooyoyinka kale ayana wax ka soo qad lahayn laakin way jiraan kuwo iyaga laftoodu hal door ah laakin runtii marwo fadumo saciid ibraahim waa shaqsiga ka liyaata ee u ban baxay amaba u kaliyoobay wax ka qabashada iyo taakulaynta dhalinyarada Somal iland.

Guntii iyo geba gebadii  Faadumo Siciid  waa  shaqsi marka la arko dhalinyaro amaba lagu soo xasuusto waxaana taasi marag ma doon u ah amaba markhaati cad uga ah sida ay ugala qayb qadato amaba ay had iyo jeer heeg anka ugu tagay runtii dhalinyarada iyada oo aad arkaso mar walba inay dhiiri galin taakulayn iyo waliba daryeel balaadhan oo ay u fidiso dhalinyarada qaybaheda kala duwan ha ahaato xag sport ha ahaato xag dhiiri galineed ha ahaato xag taakulayn iyo tabrucaad iyo waliba in kale oo anana soo koobi karin…

C/Naasir Maxamuud

Gadbadiir2013@outlook.com

COMMENTS
LINKS