MAQAAL:Xayn Haween Bay Xoolo ku Jiraan!W/Q:Farduus maah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MAQAAL:Xayn Haween Bay Xoolo ku Jiraan!W/Q:Farduus maah
April 25, 2015 - Written by Editor:

Waxaa dhaqan innoo ahaan jirtay in haweenka la maamuuso, kaas oo aan la waydiisan jirin dhaqaale ilaa wax ay iyadu garato mooyee. Sidaa daraadeed kolka qaadhaan la bixinayo waxaa la tirin jiray madaxa ragga( inta wiil ee qoysku leeyahay) kaas oo lagaga qaadhaan qaadi jiray qoyska ama magta loogu qaybin jiray halka aan hablaha waxba laga qaadi jirin. Sidoo kale gabadha la guursado( la qabo) waxay ku tirsanayd ciddii ay u dhaxdey ama carruurteedu tahay sidaa daraadeed reerkii ay ka dhalatay dhibaad iyo dhaqaale midna uma doonan jirin. Arrintan waxay ku salaysneyd dhaqan guun ah oo hayb u ah kii caqiidada ee diinteenna ku soo arooray. Dhaqankaas oo salka ku haya kitaabka quraanka ah iyo sunnada. Maxaa yeelay haweenka masuul ayuu raggu ka yahay mana aha wax la malo awaashay ee waa xukun inoo yaal. Haweenku wax ma guursadaan(mehersadaan) dhaqankeenna iyo kuwa kale toona taasina waa arrin aadamuhu ka siman yahay. Sidoo kale waxaa laga siman yahay in gabadha uu bixiyo aabbaheed ama walaalkeed. Haddii labadaa la waayo ciddii ku soo xigtaa ay gudoonsiiso ninkii guursanaayey. Wali maynaan arag nin la gudoonsiinayo oo gabadhi mehersanayso gaal iyo muslintoona(hadda waa inta kitaabkoodi wali haysata ee) Taasina waxay markhaati cad ka tahay in wali haweenka masuul laga yahay.

Haweenka iyo Waxtarka

Sidaan hore usoo taabtay ragga waxaa Ilaahy swt kala dardaarmay masuuliyadda haweenka iyo in ay haweenka masuul ka yihiin, haweenkuna maqlaan xaqdhawraanna gadhwadeennimada ninka Surah Al- Nisaa ayadda 34aad , iyadoo aayadu caddaysay in Ilaahay wixii uu innagu kala fadilay aynu ku kala toosno(haweenka shaqaa la faray, raggana mid) Walow ay haweenku maanta dhaqaale yeesheen mararka qaarna ay dhacdo in ay kaba jeeb roonaadaan ragga badh, haddana waxaa la dhawray xuquuqda gabadha, kolkaa waxay xor u tahay in ay xoolaheeda haysato oo uu ninku reerka masruufkiisa, qaadhaan bixinta, magta iyo wixii la soo darsaba dushiisa ahaadaan. Balse ay gabadhu waxa ay doonto ku dari karto dhaqaalaha reerka hadday doontana haysan karto. Taasi waa kolka aan reerkii dayacmin si ay lacag usoo shaqaysato, haddii kale carruuta iyo habaynta qoyska ayaa xilkeeda koowaad ah. Marka laga yimaaddo dhaqaalaha ku khasban ninka wax ay gabadhu la bixi kartaa wixii sadaqad ah oon loo cayimin ee ay xor u tahay, balse wixii ka baxaya gacanteedu aanu noqon wax qoyska dhaqaalihiisa riiqaya ama ay ku qaamowdo.

 

 

Haddii aan usoo noqodo noloshan casriga ah ee labada qof ee wada joogaaba shaqaystaan waxaa iyana wali waajib ah in dadka qoyska ah ay wada tashi dhaqaale ka dhexeeyo ee aan qofba dhan wax ula kicin. Dhibaatooyin hor leh ayaa soo baxay tan iyo intii burburkii dagaaladu saameeyey dadka Soomaaliyeed. Awal waxay dhaqaalaha qoysku ku riiqnaa in dadku ehelkoodii wax taro, khaasatan qurbajoogtu, waxaa haatan ugu biirtay in dal la dhiso, haweenkii ayaa tafaha u xaytay iyagoo hayaay ka kacaay leh waxayna noqdeen kayd si fudud maal looga raadin karo. Wadaadka dhaqaale doonaa haweenkuu la shiraa, siyaasiga dhaqaale doonaa sidoo kale, kaabo qabiilka iyo ka doona in uu cid ku duulaa haweenkuu u qaylo dirtaa! Intaba way u kacaan oo faraqa u buuxiyaan! Waxaa intaa dheer in ay ka jawaabaan qaylodhaan kasta oo soo yeedha, Jid/waddo ha ahaato, abaaro dhacay ha noqdeen, iskuulo iyo dhakhaatiir la dhiso hadalkoodba daa intaba waxaa ititibinaya haween. Waxayna noqdeen saadka ugu weyn uguna fudud ee lagu dhiirado lagana qaato wixii laga hoobaansan karo. Ma lihi yaan haweenku wax tar muuqda iyo wanaag samayn balse waxaa is weydiin mudan aaway raggii masuuliyada lahaa, haddiise la waayey rag kaligii wax buuran qaban kara axsan maynu ahaano isku badhax wax wada qabsanaya, maxayse u noqotay in xaynka haweenka xoolaha ku jiraa noqdaan wax cid waliba ku hamooto?

Haweenkii hore iyo is gargaarkoodii

Haweenku waxay iska lahaayeen nidaam iskaashi iyo isku gargaar ah oo iyaga u gaar ahaa kolka ay dhibaato dhacdo kaas oon ku salaysnayn qabiil ee ahaa mid si caam ah ay isugu gargaaraan.

  1. Baaho: Baahadu waxay ahayd hab ay haweenku u ururin jireen dhaqaale iyaga oo ugu gargaaraya haweenay kale, qof ama qoys ay kolkaa dhibi ku dhacday. Waxayna koox haween ah mari jireen/wali maraan xaafadaha iyaga oo ka ururinaya dhaqaale ay ugu tabarucayaan dadkaa tabaalaysan, waanay magacaabi jireen cidda ay wax u urrurinayaan iyo xaalkoodaba waxayna ahayd hawl ay Ilaahay dartii u qaban jireen/wali qabtaan dalka dhexdiisa oo aan qabiil ku salaysnayn.
  2. Muqdarad: Walow aan filaayo in aan dalka dhammaantii laga wada aqoon balse waxa jiri jirtay hab kan muqdaradda oo aan filaayo in ay dhaqan carbeed inooga timid ayaa ahaa in qof ay baahi hayso asayna ahayn mid qofka baaho loogu wareego kana yara heer saraysay baahada habka wax waydiisiga, oo ay gabadhu/haweenaydu iyadu dadka casuumaysay, loona imanayo sidii xafladeed oo kale iyadoo wax la cabbo iyo la cunaba dadkaa yimid la siinayo, durbaana la tuman jiray ayaa qof kasta oo lasoo casuunay uu lacag keeni jiray caawimo ah.

Labadan hab een soo sheegay midna raggu kuma dhaqmi jirin/dhaqmo hadda; ee waxay ahaayeen kuwo u gaar ah in haweenku wax is taraan. Wayna wanaagsanaan lahayd haddii sidaa loo daayo maxaa yeelay wax qabyaalad la yidhaa kuma jirin ee macruuf iyo sadaqo/taakulo ayey ahayd.

  1. Hagbad: Hagbada oo iyadu ilaa hada xawli ku socota ahna dhaqaale kaydin ama dayn qaadasho hab wanaagsan ku socota ayaa iyadu aad u sii korodha marba marka ka dambaysa, khaasatan qurbaha oo uu dadku kaga maarmay in ay dayn qaataan kaas oo ribo la saari doono haddii ay bangiga ka qaataan, xaga ururinta lacagta qudheedana ku wanaagsan maadaama aanad lacagtii ka soo qaadan karin meel aad dhigtay balse aad daymisay qof kale taas oo aad sugayso wareegtada laguu asteeyey. Hagbada waxaa bilaabay haweenka walina sameeya dal iyo dibadba walow haatan rag badani la galo haweenka si ay dhaqaale u kaydsadaan awgeed. Waxa kale oo habka lacag isla urursiga ah haweenkeenii ka bartay dadyowgii ay u tageen/la dageen taas oo cajab galisay dadkii, balse ilaa hadda qoomiyado tira yar baa isticmaala wax urursiga noocan ah sida, Filibiinta iyo Afrikaanka badh, waxaana laga wareeray is aaminka intaa leeg ee ka dhexeeya haweenkaas. Arrinta Hagbadu waa hab dhaqaale kaydin oo ay haweenkeennu ku amaannan yihiin balse aanad arkayn ragg kali ah oo hagbad ku wada jira.

Rag bay talo ka surgacantahay

Dhaqan iyo diin ahaaba ninka ayaa gacanta la qabtaa oo loo meheriyaa gabadh, xilliga arrinkaasi dhacaayo waxaa la qirsiiyaa ninkaa in uu gabadhaa masuuliyadeeda qaado si xaq ah, taas oo uu kala wareegay waligeedii hadda ka hor masuulka ka ahaa, waxaana halkaa ka samaysma qoys la yidhaa reer hebel( ninka magaciisa) balse aan la odhan aqalkii heblaayo. Sidaa daraadeed dhaqan wanaaga dadkeenna inanta waxba lagama doonan jirin wiilka mooyaanee. Haddii aynu eegno reer galbeedka iyo ummadaha hore u maray iska daa in inanta ninkaa guursadey lagu wareejiyo ee xataa barta lagu meheriyo ayaa magaca lagaga beddelaa aabbaheed oo soo taagan ayaa kolka meherku dhaco la yidhaa Mr. and Mrs Fulaan, taas oo magaca awoowga ninka la siiyo gabadhii, Iyana iyadoo ku faraxsan ayey haddeed ku tiraabtaa, waxaan ahay Mrs. Fulaan. Waxaa intaa raaca in qoyskaasi isku jeeb noqdo oo wixii ka baxaya iyo wixii soo galayaba laga wada tashado iyagoo hal isku ah. Xaga siyaasada sidoo kale, labada qof ee qoyska ah isku hal party ama xisbi ayey u wada codeeyaan oo tafaraaruq kuma jiro fikirkooda halka waliba laga yaabo in gabadhu ay ka timid qoys taageera xisbi kasoo hor jeeda ka ninka ay guursatay taageersanyahay, balse iyadu hadeed ay ku biirayso ama taageerayso xaga ninku raacsanyahay, wax yar ayaa iyaga labada qof kala taageeraan cid kala duwan, waxayna sidan u yeelayaan xishmad, karaamo iyo kala dambayn iyo labada qof oo isku hal ah, runtiina waa sidii uu qoyska caafimaad qabaa ahaan lahaa. Dadka sidan u nooli waa kuwa aynu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayno in aynu soo gaadhno halkay gaadheen! Waxaa is weydiin leh maxaa jaah wareerka ku riday qoysaskeenna ee uu qofba dhan wax ugu xawawarinayaa? Waxaad arki haweenay xaas ah oo reer Qudhac oo ay ka dhalatay hawlahooda kala minawaraysa, dhiiri galinaysa, qaadhaan guraysa oo gadhwadeen ka ah, halka ay kadin carruur ah u leedahay reer Galool waxse aanay ku darsan! Ma raggaan raggii ahayn mise haweenkaa darjiidhay?

COMMENTS
LINKS