Magarsoora mise waa qareen? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magarsoora mise waa qareen?
April 23, 2015 - Written by Editor:

Ninka ka buuxinayaa jagadii laga qaaday yusuf ismaaciil cali, magarsoora mise waa qareen, waa in uu yahay ninku dhex jiray fielka maxkamadaha dalka. Oo ka dharagsan wanaaga iyo xumaanta garsoorka. Jamhuuriyada Somaliland, Sidan wada ognahay cadaaladu waa nolosha koobaad ee bila aadamka ilaahay koonka ku abuuray u ah saldhig uu ku nasto kuna wadaago khayraadka ilaahay siiyey.   Wakhtigu wuxuu badalaa kala badh nolosha bulshada kunool dal ama qaarad sidan ognahay Somaliland waxay soo martay marxalado kala duwan marka laga bilaabo 1960- 20015 dadka reer Somaliland kunooli markaad eegto fikirkooda, aqoontooda, dhaqankood, kalsoonidooda noleleed waxaa u dhexeeya faraq wayn 1970-2015 waxaa soo dhan markaad eegto waxay u baahin yihiin in marwalba saldhig looga dhigo marxaladaha aan soo sheegnay.

Tusaale ahaan dacwadihii 1970 yalay maxkamadaha iyo kuwa yaala manta 00 ah 2015 waxa u dhexeeya faraq wayn oo ah dhinaca kiisaska Somaliland dacwadaha ugu badan waa dhulka oo farabaasku haya bulshada reer Somaliland samayna ku leh siyaasada reer Somaliland.

Hadaba ninka buuxinaya jagada gudoomiyahay maxkamada sare waa in uu leehay khibrad iyo karti uu kaga dabaalankaro muranka buuraaha dushooda iyo dooxyada, oo ah waxa manta Somaliland isku haystan.

Waxan filayaa garsooraha ama qareenku waa nin ku dhex jira mowjadahan aan soo sheegnay garanayana sida ugu dabaalanayo.   Waxa kale oo aan leeyahay ninkasta oo ah qareen ama garsoore dadku tuhmayaan waa in uu ka qaybgalaa dartanka buuxinta jagada maxkamada sare oo aanu isku qancin reer hebel baadtahay oo mahelaysid ama cid CV gaga qaada malihid. Hadaba Bulshada reer Somaliland waxa u dana 5 waalala ahna hanoqdaane cid ku shaqaynsa cadalada iyo rabitaanka bulshada reer Somaliland

By xuseen cabdi maxamed

COMMENTS
LINKS