|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo oo Xafiiskiisa Kulan kula Yeeshay Safiirrada Turkiga iyo Maraykanka U Qaabilsan Somalia
April 8, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)-Qasriga Madaxtooyada Somaliland, ayuu maanta Madaxweyne Siilaanyo ku qaabilay Wafti sare oo uu hoggaaminayo Wakiilka maraykanka u fadhiya Kenya una qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Brain H. Phipps.
Kulanka Maanta Madaxweyne Siilaanyo la qaatay Waftigan, ayaa waxa ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka, Madaxtooyada,Maaliyada, Gaashaandhiga, waxbarashada,Macdanta iyo Tamarta, wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda, iyo Xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha JSL. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa faahfaahiyay arrimaha laga wada hadlay “Waxay nagala hadleen uun Arrimaha doorashada iyo sidii si qiimo leh loogu qaban lahaa, la iskuna fahmi lahaa. Sidoo kale waxay nagala hadleen arrimaha amaanka iyo sidii ay inooga caawin lahaayeen culayska Yemen ka soo kordhay. Sidoo kale sidii horumarka la iskaga kaashan lahaa ayaanu ka wada hadalnay” Safiirka Maraykanka ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu ugu horayn sheegay inuu ka mahadcelinayo soo dhawaynta Xukumadda. Waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay Somaliland ka taageeraan Coladda Yemen ee horaantii Qaxoontigu Somaliland soo gaadhay. Waxa uu sidoo kale sheegay inay Somaliland ka taageeraan Doorashada sidoo kalena jecel yihiin inay ka sii taageeraan “Waxaanu Somaliland si xooggan ugu taageernaa Doorasho Wakhti Macquul ah ku qabsoonta oo xor iyo xalaal ah. Somaliland waxay hirgalinta Dimuqraadiyadda wadday tobanaan sanno, waxay hirgalisay Hay’addaha Dimuqraadiyadda, waxaanuna ku taageeraynaa in la sii horumariyo Mustaqbalka, waxaanuna maanta yeelanay kulan iyo wada hadal aad u wanaagsan” ayuu yidhi Safiirka Maraykanku Dhinaca kale Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu kulan la qaatay Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Olgan Bekar. Madaxweynaha waxa ku wehelinaayey kulankaas wasiirka Qorshaynta, Madaxtooyada, Arrimaha gudaha, Maaliyada, wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha JSL. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa faahfaahiyay kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka Turkiga “Weftigan Turkigu waxay u socdeen inay arrimihii Wada hadalada Somaliland iyo Somalia wax inaga waydiiyaan, Wada hadaladana waynagii Meel ay dhaafi waayeen aynu ku soo xidhnay, halkaas oo ahayd Somalia hadday doonayso in la wada hadlo inay soo kaxaysato dad reer Somalia ah” Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Arrintii wada hadalada Somaliland halkii uun bay ka taagan tahay, wax isbedel ahina ma jiraan. Waxay Somaliland taagan tahay Somalia hadday doonayso in la wada hadlo ha soo kaxaystaana dad reer Somalia ah” Safiirka Turkiga oo dhankiisa ka hadlay ayaa isna yidhi “Maanta Madaxweyne Siilaanyo, ayaanu la yeelanay Kulan midho dhal ah, waxaanu ka wada hadalnay Wada hadaladii Somaliland iyo Somalia iyo sidoo kale Xidhiidhka labada geesoodka ah ee Somaliland iyo Turkiga. Hadda waxaanu diyaar u nahay in la sii wado Wada hadalada. Insha Allah rajo fiican baanu ka qabnaa inay wada hadaladu sii socdaan.Sidoo kale waxaanu falanqaynay xidhiidhka Somaliland iyo Turkiga ka dhexeeya, waxaanu hadda wadnaa qorsheyaal mustaqbalka lagu horumarinayo xidhiidhka laba geesoodka ah ee Somaliland iyo Turkiga. Somaliland waa Xudunta Goobahayaga Taariikhiga ah, sidaas darteed waxaanu u baahanahay inaan xidhiidh qoto dheer la yeelano.”
Related posts:“Madaxdhaqameedka Waxaan leeyahay Dhex Ka Noqda Siyaasada, Dadka Aad Madaxda Utihiin Sedexda Xisbiba... DAAWO; Waftigii Xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid Oo Sheegay In Ay Kenya Ka Dalbadeen In Ay Aqoonsadaan Pa... Xasan Sheekh Oo Beesha Caalamka Ka Dalbaday In Loo Keeno Maydadka Tahriibayashii Ku Dhintay Badda U ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|