|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Wasaarada Debu dejinta U Madaxbanaaneeyey Waaxda Qoxoontiyada Oo Hore U Hoos Tagi Jirtay Wasaarada Arimaha Gudaha
April 2, 2015 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3134/042015 ku go’aamiyey In Wasaaradda Dib-u-dejintu u madax-bannaan tahay hawlaha la xidhiidha Qaxootiyada iyo Barakacayaasha oo hore uga tirsanayd wasaaradda Arrimaha Gudaha. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta JSL ee summaddeedu tahay MRR&R/M/6/2025 ee ku Taariikhaysan 21/03/2015, ujeeddadiisuna tahay dib u soo celin Waaxdii Qaxootiga ee Wasaaradda Dib-u-dejinta oo hore loo hoos-geeyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha; Markuu Arkay: Qoraalka summaddiisu tahay M/W/M/241-013/082010 ee ku Taariikhaysan 03/08/2010, ujeedadiisuna tahay in Xilka Wasaaradda Dib-u-dejinta lagu wareejiyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taas oo looga gol-lahaa in la mideeyo labada Wasaaradood; Markuu Tixgeliyey: Dib-u-habaynta Wasaaradaha Xukuumadda ee kala saaridda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Dib-u-dejinta oo yeelatay jiritaan qaanuuni ah iyo Wasiir hoggaamiya, Qaab-dhismeedkeediina dib loo soo celiyey; Markuu Arkay: Qoraalka Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay RSL/VP/AUNA/29-OO1/106 ee 08/01/2006 iyo Qabyo-qoraalka Xeerka Nidaamka Xukuumadda ee Golaha Wasiirradu ku ansixiyey Shir Lr. 132 ee 03/04/2014, isla markaana Xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiillada Somaliland oo ay ku xusan tahay in dadka qaxooti ahaan u jooga Somaliland, dadka dib uga soo noqonaya Xeryaha, dadka qaxootiga ee dalalka dibedda ka soo noqonaya iyo barakacayaasha gudaha ay Xukuumadda Somaliland uga mas’uul tahay Wasaaradda Dib-u-Dejintu; Wuxuu go’aamiyey
ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.
Related posts:Hargaysa; Xarunta SAHAN Oo U Xafladaysey Dad Xanuunnada Dhimirka Ka Bogsaday Oo Xirfado La Baray! DAAWO;-Dhaliilo Uu Xukuumada Ujeedinayay Xoghayaha Xisbiga Wadani Oo Banaanka Keentay Danaha Shirkad... “Guriga Marwo Kaltuun Wuxu Lamid Yahay, Madaxwayne Ka Aad Adigu Degan Tahay, Waxaase Ayaan Daro Ah, ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|