|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Obama Oo Qiray Dhimashada Laba Muwaadiniin Reer Galbeed ahaa Oo Gacanta Ciidankiisa Si Kama ah Ugu Baxay
April 24, 2015 - Written by Editor:Washington:(Wajaalenews) Madaxweynaha Waddanka Maraykanka, ayaa Markii ugu horraysay Ka Hadlay Dhimashada Laba sarkaal oo Reer Galbeed ahaa, kuwaas oo muddo ku jirey Gacanta Ururweynaha Al-qacida. Hoggaamiyaha Mareykanka oo shir jaraa’id ku qabtay aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in cudur-daar ay ka bixinayaan dilka Warren Weinstein oo ahaa sarkaal muddo sanada ah Maxbuus ahaan gacanta ugu jiray Al Qaacidda iyo Giovanni Fany Porto oo ahaa muwaadin Talyaaniga u dhashay oo isna Al Qaacidda heysatay. “Waan ka cudur daarayaa dilka Warren Weinstein iyo Giovanni Fany Porto,ujeedku wuxuu ahaa in la beegsado isku imaatinnada dagaalyahanada Al Qaacidda balse khalad ayaa dhacay”ayuu yidhi Obama. Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa carrabka ku adkeeyay in wixii dhacay ay mas’uuliyadeeda qaadayaan “Dilka muwaadinka Talyaaniga ah iyo Midka Mareykanka ah cudur daar ayaan ka bixinaynaa mas’uuliyadda anaga ayaa qaadayna” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Obama. Dowladda Mareykanku waxay sheegtay in duqeynta ay ku dishay qof muslim Mareykan ah oo ka tirsanaa Mujaahidiinta Al Qaacidda, wararka qaar ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday xad-beenaadka ay wadaagaan Pakistan iyo Afghanistan lagu dilay Sheekh Cazam Al-imriiki oo saraakiisha Al Qaacidda ka tirsanaa. Warren Weinstein ayaa dhowr goor kasoo muuqday muuqaallo lagu baahiyay baraha Internet-ka wuxuuna dalbanayay in xukuumaddiisa Washington ay bad baadiso noloshiisa oo ay u hoggaansato dalabka Mujaahidiinta COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|