|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Hogaaminta Suuban Hormuud Noogu Ahow
April 1, 2015 - Written by Editor:Sanadkii 2010-kii waxaa Dalkan Jamhuuriyada Somaliland majaraha hogaamineed u qabtay ruug cadaa siyaasadeed Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuu nasiib u yeeshay inuu noqdo hogaamiyihii 4-aad ee Qaranka Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo markii uu ku guulaystay Talada wadanka wuxuu sameeyey siyaasad, waxaana uu sidoo kale soo dhisay xukuumad si wanaagsan loo qaabeeyey oo tayo leh, Madaxweyne siilaanyo sidii laga sugaayey wuxuu sameeyey hogaamin waanagsan waxaana uu shacabka ku jiheeyey wax qabad iyo horumar. Waxkastoo Xukuumada Madaxweyne siilaanyo qabatay Somaliland lagama qaban 25-kii sano ee qarankani jiray cidkastaana waa ogtahay, xukuumada waxaa lagu mahadiyaa korodhka miyaasaniyada qaranka iyo kor u qaadida dhaqaalaha, sidoo kale dhismayaasha bilicsan ee xarumaah dawlada iyo wadooyinka, iyo mashaariic horumarineed oo dalka ka qabsoomay. Waxkasta oo ay qabatay Xukuumada Madaxweyne waxaa amaanteeda iska leh oo ku mahadsan Madaxweynaha Qaranka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo shacabka Somaliland u arkaan inuu yahay hogaamiyihii ugu wnaagsanaa ee Somaliland soo mara tan iyo maalintii ay lasoo noqotay xornimadeeda. Shacabkeeda, waxaan u rajaynayaa inay guul waarta isku duubni, dalkooda inay horumariyaan Xukuumada madaxweyne siilaanyo ee aynu nasiibka u helnayna inaynu isla barbar taagno codkeena iyo cududeena , caqliyada fayow kaga shaqaysiino, midnimadu iyo isku duubnidu waa astaanta qarankeena.
Qalbo Ismaciil qalbo0230@gmail.com
Related posts:Madaxwayne Gaadhi Aan Xabadu Karin Kama Difaaci Karo Shacabkaaga, Balse Waxa ka Difaaci Kara Waxbad ... Ma Ku Tusaa Siilanyo Ma Kuu Tilmaamaa"Afkii Beenta Sheegi Jiray Run Ma Garanayaa Hada"Qaybtii 1aad Maanta Waxan Cashar U Dhigi Lahaa, Kuwa La Yidhi Waxay U Mudaharaadeen Ina Iley, Sida Loo Akhriyo T... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|