|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Oo digreeto madaxweyne ku go’aamiyey Xiliga Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabmayso Jamhuuriyadda Somaliland.
April 12, 2015 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3164/042015 ku go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 18aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;
Markuu Arkay: Soo jeedinta Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadeedu tahay KDQ/XK/405/2015, ee ku taariikhaysan 09/04/2015 iyo Lifaaqa la socda ee ay ku caddahay Muddada Diyaarinta Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha iyo Muddada Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha;
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu u leedahay in la qabto Doorasho xor ah oo xalaal ah; Wuxuu Soo Saaray; Xeerkan oo lagu go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu marka ay tahay 21/07/2015.
ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL Related posts:Xidhiidhka Somaliland Iyo Masar Oo La Saadaalinayo Inuu Horseedo Inay Somaliland Xubin Ka Noqoto ... “Dhulka Uu Macalin Mohamed Ka Hadlay Waxa Aan Iibsaday 2008, Hooyadii Ayaana Iga Iibsatay 2013” Siya... Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Qoyskii Iyo Bahda Culimada Ee Uu Ka Baxay Marxuum Sheek... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|