|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo oo Magacaabay Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May
April 16, 2015 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-3185/042015 ku magacaabay Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May, oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye) Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Ku: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Ku: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-Miyiga Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa Ku: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Ku: Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Aadamaha Ku: Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac Ku: Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) Ujeeddo: Magacaabid Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May Mudanayaal iyo Marwooyin, Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sannad guuradda 24aad ee maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah. Sidaa darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 24aad ee maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May. Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan ka rajaynayaa in ay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan. ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir Xoghayaha Gaarka ah ee Saxaafada Madaxtooyada JSL. Related posts:DAAWO;-Culimo Uu Horkacayo Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Gabiley. Dhagayso Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Ciyaaraha, Aduun Laca... “Jihaadka Hadafkiisu Waa u Quusgooynta Gaalada iyo Munaafiqiinta Isxambaarka ah..” Sheekh Maxamed Sh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|