Madaxwayne Siilaanyo oo Magacaabay Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo oo Magacaabay Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May
April 16, 2015 - Written by Editor:

WAR-SAXAAFADEED

 Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-3185/042015 ku magacaabay Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May, oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

 

Ku:    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye)                     

Ku:    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                     

Ku:    Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare                              

Ku:    Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka                        

Ku:    Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

Ku:    Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-Miyiga        

Ku:    Duqa Caasimadda Hargeysa                                               

Ku:    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada                             

Ku:    Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Aadamaha                                     

Ku:    Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac                                      

Ku:    Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)                         

 Ujeeddo:    Magacaabid Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May

 Mudanayaal iyo Marwooyin,

 Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sannad guuradda 24aad ee maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.

 Sidaa darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 24aad ee maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

 Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan ka rajaynayaa in ay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

 ALLAA MAHAD LEH

 

Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha Gaarka ah ee Saxaafada Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS