Madaxwayne Siilaanyo Iyo Gudoomiye Ciro Siyaasiyiin Isku Fikira Aragti Midana Wadaaga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo Iyo Gudoomiye Ciro Siyaasiyiin Isku Fikira Aragti Midana Wadaaga.
April 29, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Madaxwayne Siilaanyo iyo Gudomiyye Cabdiraxmaan Ciro shaki kuma jiro in ay safka hore kaga jiraan Siyaasiyiinta Baasaporka qalaad haysta iyaga iyo qoysaskooduba gaar ahaan Wadamada Yurub

ciro iyo siilaanyo

Sidoo kale Madaxwayne Siilaanyo iyo Gudoomiye Ciro waxaa marag madoona in ay kala hogaamiyaan siyaasiyiin iyo taageerayaal kasoo kala jeeda labadooda beelood mar kale M/Siiraanyo iyo G/Ciro inkasta oo damaca kursiga ugu sareeya ee dalku ka dhaxeeyo maaha laba siyaasi oo hadalo xanafle warbaahinta isku mariya maadaama labadooduba tuunbadu ugu jirto hakala badnaatee

Hadaba labadan Siyaasi Madaxwayne Siilaanyo iyo Gudoomiye Ciro waxay ku fashilmeen hogaaminta Golaha Xukuumada iyo Golaha Wakiilada ,sidaa awgeed waxaa hubaala in aaynay lahayn barmaamij siyaasadeed oo cad hadii uu M/Siiraanyo lahaana ay ku adkaatay in ay ka dhabeeyo inta laga fuliyayna ay aad u yartahay. Sidoo kale dookha iyo jacaylka ay u qabaan mudo kordhin loo sameeyo ayaa noqonaysa mid bud dhig ah u heshiiska ay kuwada jiraan Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiye Ciro sabobta oo ah waqtiga mid u koradha ka kalena way u kordhaysaa

M/Siiraanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Wwakiilada C/Ciro waxay Aqoonyahanka iyo Indheer garadka u kuur gala arimaha siyaasadu ku Eedeeyaanin Madax Magaalooyinka oo kaliya u Madax u ah oo bulsho waynta Miyiga ku dhaqan aan wax masuuliyada iska saarin

Labada siyaasi oo fikiro badan wadaaga waxay ka midaysan yihiin xalaalaynta musuq maasuqa. waxaa tusaale inagaga filan hayada hanti dhowrka qaranka oo hawlgab laga dhigay guud ahaana aan shaqayn, iyo xisaab celin la,aanta Wasaarada Dawlada iyo Golayaasha Qaranka

Sidoo kale Madaxwayne Siilaanyo iyo Gudoomiye Ciro waxayna dhag jalaq u siin cabashada buux dhaafisay maqalkooda ee ka soo yeedhaysa muwaadiniinta iyagoo si wayn uga cabanaya cadaalada iyo garsoorka waxaanay fikir midaysan ka leeyihiin raali ahaanshaha Cadaalad darada Garsoorka,

Sidoo kale Madaxwayne Siilaanyo iyo Gudoomiye Ciro waxay iskaga mid yihiin dhanka dookha la kulamada Madaxda Jabuuti Etoobiya iyo dalalka jaarka ah Siyaasiyiinta Ajanabiga ah Hayadaha Gargaarka Xildhibaanada Golayaasha Qaranka sida Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida Maalqabeenada Maamulka Shirkadaha waawayn Madax dhaqmeedka sida Suldaanada iyo Cuqaasha halka ayna jeclaysan la kulanka iyo ogaanshaha nolosha Bulsho waynta codka ugu badan bixisa ee danyarta

Sidoo kale M/Siiraano iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Ciro waxay Aqoonyahanka iyo Indheer garadka Siyaasadooda u kuur galaa ku tilmaamaan in aanay ka muuqan Astaamihii Hogaamiyihii gaadhsiin lahaa bulshada S/LAND Aqoonsi ay beesha Caalamka ka hesho iyadoo Xubno ka mid ah Aqoonyahanka iyo Indheergaradku ku eedeeya in aanay daacad ka ahayn Qadiyada Madax banaanida S/LAND iyagoo Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiyihii Golaha Wakiilada C/raxmaan Ciro ku sheega in ay taariikhda kaga qoran yihiin ragii fasaxay wadahalada Soomaaliya iyo S/LAND oo dhamaan kulanadii dhacay Madaxda labada geesood guulo laga gaadhin

Sidoo kale M/Siiraanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu C/Ciro waxay u tafo xaydan yihiin iskuna aragti ka yihiin kusii nagaanshaha kuraasta iyadoo aanay xalaalaysan oo mudo kordhin ku joogaan xilalka Qaranka iyo ilaalinta danaha gaarka ah ee shirkadaha Ganacsiga ee waawayn si ay maaliyad badan u helaan

QALINKII Wariye  Yuusuf J ,Xirsi

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA; SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS