|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha JSL Oo Xilkii ka qaaday Mareeyihii TV Qaranka Iyo Masuul Cusub Oo Uu Magacaabay.
April 30, 2015 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3252/042015 uu ku magacaabay Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka, isaga oo maareeyihii horena u bedelay, una magacaabay Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la magacaabo Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Soo jeedimihii iyo talooyinkii mas’uuliyiinta kala duwan; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdi Cali Mahdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland. Bedelka Maareeyihii hore iyo magacaabistiisa. Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta; Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagadan; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Khadar Xasan Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta.
ALLAA MAHAD LEH Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Afhayeenka Madaxtooyada JSL Related posts:Alle Ha,u Naxariistee Waxaa Goordhawayd Magaalada Hargaysa Ku Geeriyooday Oday/Muj Jaamac Nuur Xasan... Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka Oo Ka Hadlay Xaalada Shidaal Ee Dalka Iyo Inta Uu Ku Filan Yahay... DAAWO;-Hadalo Isku Eeg Oo Madaxwayne Biixi Iyo Maayar Cidin Ku Aflagaadeeyey Reer Berbera+ Jawaabta ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|